Midowga Yurub Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Doorashooyinka Somaliland, Farriina U Soo Diray Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

0
687

Hargeysa(Geeska)-Midowga Yurub ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqday in Somaliland lagu sii waddo sumcadii fiicnayd ee ay 20-kii sanandood ee u dambeeyay ku heshay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Veronique Lorenzo, oo u warantay majalada The East African ee ka soo baxda magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxay sheegtay in Midowga Yurub mashaariic horumar ka fuliyay Somaliland. Danjiraha oo la weydiiyay sida uu Midowga Yurub ula macaamilo tageerooyinka uu siiyo Somaliland, waxay ku jawaabtay “Aad Baanu uga hawlgalnaa Somaliland, waa meel aanu si fudud uga hawlgeli karno, galaan-gal badanna u yeelan karno, nabadda iyo xasiloonida hay’adaheeda dawladeed awgeed. Taas ayaa noo fududaysay in aanu si fiican ula shaqayn karno.” sidaas ayay tidhi, iyadoo intaas raacisay sida uu Midowga Yurub uga xumaaday dib u dhaca doorashooyinka, waxaanay tidhi  “Marka sida Somaliland oo kale, ay xukuumadi jirto, aad ayaa ay u fududahay in laga dhex shaqeeya. Waxa se aanu aad uga xunahay go’aanka ay xukuumaddu ku qaadatay in ay dib u dhigto doorashooyinka oo dib loogu riixay bisha Oktoobar.”

Iyadoo muujinaysa dareenka ay ka qaateen dib u dhaca doorashooyinka, waxay danjire Veronique Lorenzo tidhi “Si walaac leh ayaanu  u sugaynaa, annaga oo xukuumadda Somaliland ku dhiirrigelinayna in ay ku sii socoto sumcaddii fiicnayd ee ay lahaayeen 20-kii sano ee la soo dhaafay.”