Midowga Yurub Oo Cabsi Weyn Ka Muujiyey Qorshe Uu Ruushku Ku Burburinayo

0
563

Brussels (Geeska)- Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub, Frans Timmermans ayaa madaxweynaha dalka Ruushka ku eedeeyey in uu wado qorshe uu doonayo in uu dawladaha Yurub ku dhiirrigeliyo sidii ay uga bixi lahaayeen EU-da, si uu u furfuro Midowga Yurub oo uu Putin doonayo in uu saaxadda ka baxo.

Frans  Timmermans oo khamiistii ina dhaaftay ka hadlay magaalada Madrid ee xarunta dalka Spain ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin qorshan uu ku burburinayo Midowga Yurub uu u marayo taageeridda xisbiyada Midowga Yurub ee diiddan aragtida midowga. Isaga oo si iftiiminaya xidhiidhka ka dhexeeya xisbiyada Yurub ee lagu tilmaamo xag-jirka dhinaca Midigta u jan-jeedha iyo madaxweyne Putin, waxa uu Frans marag ka dhigtay kulankii dhowaan uu Putin ku qaabilay haweenayd murasha madaxweyne ka ah dalka Faransiiska Marlin Le Pen, “Waxa uu u qaabilay Marlin Le Pen si uu u qaybiyo una daciifiyo Yurub” ayaa uu yidhi Frans. Madaxweyne ku-xigeenka Yurub oo la hadlayey guddi ka tirsan baarlamanka dalka Spain waxa uu intaas ku sii daray, “Sababta uu Putin u taageerayo xisbiyada siyaasadaha midigta aaminsan ee Yurub, waa isaga oo og in uu yahay hab uu innagu daciifin karo, oo uu innagu kala kaxaynayo”

Frans oo sii faahfaahiyey sababaha Putin uu u xiisaynayo in midowga Yurub uu burburo wayaa waxa uu yidhi, “Yurub oo qaybsan macnaheedu waa in Putin uu yahay hoggaamiyaha runta ah ee Yurub”

Frans iyo guud ahaan madaxda Yurub ee taageersan siyaasadda sii jiritaanka Midowgan waxaa walaac ku abuuray Putin o odhowaan si rasmi ah dalkiisa ugu casuumay haweenayda murashaxa xisbiga waddaniga ah ee dalka Faransiiska oo badhtamihii bishii hore Moscow kula kulantay madaxweynaha Ruushka. Laakiin aqalka Ruushka looga taliyo ee Kremlin ka ayaa isagu deedifeeyey in uu wax farogelin ah ku samaynayo doorashooyinka dalka Faransiiska oo wareeggooda koowaad uu dhacayo 23ka bishan aynu ku jirno ee Abriil.

Si kastaba ha ahaato ee sida lagu sheegay war uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya, arrin looga bartay Ruushka ma’ay ahayn in madaxweyne Putin uu qaabilo murashax madaxweyne oo xilligii tartanka doorashada uu galayey waqti yari ka dhiman yahay, waana sababta shakigan sii xoojinaysa.

Le Pen waxa ay ka mid tahay siyaasiyiinta Yurub ee sida weyn ugu baaqa in xidhiidh dhow lala yeesho madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, isla markaana sida aadka ah u taageera go’aankii uu  gobalka Crimea kaga soo gooyey dalka Ukraine, kadibna uu dalkiisa ku daray sannadkii 2014-kii.

Masuuliyiinta Midowga Yurub ee doonaya in aanu midowgoodu burburin waxa ay Ruushka ku eedaynayaan in uu taageero murashaxiinta dalalka Midowga Yurub uga tartarmaya madaxnimada ee sida aadka ah uga soo horjeeda jiritaanka Midowaga Yurub. Iyada oo la og yahay sidii uu Ruushku ugu farxay go’aankii dadka Ingiriisku ay ugu codeeyeen in dalkoodu uu ka baxo Midowgan, iyo sidoo kale guushii uu Donald Trump ka soo hooyey madaxnimada dalka Maraykanka.

Ruushka ayaa aaminsan in midowga Yurub oo burburaa uu u sahlayo in dalalka ku jira uu mid kasta si madax bannaan ugala xaajoon karo danaha ka dhexeeya, si laba geesood ahna xidhiidh ula yeelan karo, taas oo imika shuruucda midowga Yurub waxyaabo badan ka xakamaynayaan.