Midowga Yurub Iyo Ruushka Oo Ku Heshiiyay Guddi Loo Diro Ukraine

0
546

Picture6Ururka iskaashiga iyo ammaanka Yurub oo magaciisa loo soo gaabiyo OSCE – oo ay ku wada jiraan Ruushka iyo Midowga Yurub – ayaa ku heshiiyay in kormeerayaal caalami ah loo diro dalka Ukraine.

Howlgalka ayaa lagu bilaabayaa boqol kormeerayaal ah, kuwaasi oo la geynayo inta badan Ukraine, gaar ahaan bariga dalkaasi oo ay degan yihiin dad ku hadla luuqada Ruushka. Balse kormeerayaasha lama geyn doono gobolka lagu muransan yahay ee Crimea.

Wadamada Galbeedka ayaa rajeynaya in howlgalka kormeerka uu qaboojin doono xiisada ka taagan dalka Ukraine.

Safiirka Maraykanka u fadhiya ururka OSCE, Daniel Baer, ayaa soo dhaweeyay go'aanka, waxaana uu sheegay in kormeerayaal dheeraad ah ay waqtiga dhow Ukraine gaari doonaan.

Safiirka Ruushka u fadhiya OSCE, Andrei Kelin, ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in kormeerayaasha ay xaaladda Ukraine dejin doonaan, waxaana uu soo dhoweeyay in aan la geyn doonin gobolka Crimea.

Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga haya talada Ukraine, Yuliya Tymoshenko, ayaa sheegtay in Madaxweyaha Ruushka, Vladimir Putin, aanu ahayn kaligii taliyihii ugu horreeyay ee ay beesha caalamku ka hor tagto, waxaana ay carabka ku adkeysay in dalkeeda Ukraine uu dib usoo ceshan doono gobolka Crimea.

Madaxweyna Putin-ka Ruushka ayaa si rasmi ah u saxeexay ka qeyb ahaanshada Crimea ee dalkiisa. Waxaa uu sheegay in Moscow aaanay ka aargoosan doonin cunaqabateynta cusub ee lagu soo rogay saraakiisha ka tirsan dowladdiisa.

Isu soo baxyo loogu dabaal degayo ku biirida Crimea ee Ruushka ayaa habeen  hore  ka dhacay caasimada Moscow.