Midowga Yarub Iyo Dalka Ingiriiska Oo Ay U Furmeen Wadahadaladii Kalagurashadu

0
700

UK (Geeska)-Wasiirka Britain u qaabilsan wadaxaajoogka ka bixitaanka Midawga Yurub David Davis ayaa sheegay in uu wadahadalka galayo isaga oo wata maxkas oo horseedi doonta "arrin la taaban karo oo yididiilo leh".

Markii uu wadahadalka ka billaabay magaalada Brusselsna wuxuu sheegay in ay ka go'antahay in uu abuuro cilaaqaad "xoog badan iyo rafiiqnimo khaas ah"

Wada xaajoodka rasmiga ah ee ka bixidda Midowga Yurub waxaa marka ugu horreysa diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan sidii dalka UK uu uga guuri lahaa ururka Midowga Yurub, sida uu sheegay ururkaasi inuu jecel yahay inay u dhacaan wada xaajoodyadu iyadoo xidhiidhka mustaqbalka ee labada dhinac lagaga hadli doono kulammada dambe.

Waaxda dalka Britain u qaabilsan ka bixidda Midowga Yurub waxay sheegtay inay weli ku dheggan tahay aragtida ah in la isku barbar wado bixitaanka iyo xidhiidhka mustaqbalka sida uu noqonaayo.

Wada hadalka ka dhacaya Brussels waa kan keliya ee toddobaadkan la isugu imanayo, iyadoo wada hadallada loogu talagalay in la qabto bil walba inta lagu jiro xilligan kulaylaha oo dhan. Midowga Yurub waxay sheegeen in loo baahan yahay in arrimaha kala bixidda sida xuquuqda muwaadiniinta iyo waajibaadka maaliyadeed ee dalka UK laga rabo inuu bixiyo lagaga doodo qaybta 1aad ee wada hadallada xidhiidhka ah.

Hase yeeshee wasiirka maaliyadda ee Britain, Philip Hammond, waxaa uu BBC-da u sheegay in loo baahan yahay in UK ay xoogga saarto ilaalinta shaqooyinka, koritaanka dhaqaalaha iyo barwaaqada dalka. Midowga Yurub waxay rajeynaynayaan in wixii heshiis ganacsi ku saabsan laga wadahadlo bisha Oktoobar haddii horumar laga gaadho kala bixidda.

Wada hadallada Brussels ku dhexmaraya wasiirka Britain ee ka bixidda EU, David Davis iyo wakiilka ururkaas u qaabilsan wada xaajoodka, Michel Barnier, waxay la xidhiidhaan kulan hordhac ahaa oo saraakiil labada dhinac ku dhexmaray Brussels.