Midhaha Colaadaha: Ardayda Reer Yemen Oo Duruufuhu Ku Qasbeen In Ay Qaawani Dugsiyada Ku Dhigtaan

0
489

1Sanca (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey si aad ah warbaahinta dunidu u hadal haysay duruufaha nololeed ee dadka reer Yemen ka dheefeen dagaallada sokeeye iyo kuwa isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayaa ku keeneen dalka Yemen. Dhimasho, dhaawac, cudurro, Cunto yaraan, biyihii nadiifta ahaa oo dalka intiisa badan laga waayey, waxbarashadii oo joogsatay inta badan ee dalka, marka laga reebo meelo yar, barokac baahsan oo dalka gudihiisa ah iyo qaxoonti tiro badan oo xuduudaha dalka ka tallaabay, ayaa noqday wararka ugu badan ee laga soo sheego dalkaas, korontadii dawladda oo aan jirin iyo ta gaarka loo leeyahay oo aanay awoodi karin inta badan ee muwaadiniinta ku nool meelaha xasiloonida yari ka jirto ayaa iyaduna sababtay in loo adkaysan kari waayo heer-kulka dalkaas oo xilliyadan 40 kor u dhaafo.

Waxaa maalmihii u dambeeyey dareenka dunida oo dhan soo jeediyey sawirro warbaahintu faafinaysay oo laga soo qaaday arday dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalkaas ah, oo duruustoodkii dhiganaysa ama imtixaanaadkii ku jira iyaga oo qaarka sare wada qaawan, hoostana wax yar ka xidhan. Maamullada dugsiyadan ayaa ardayda u ogolaaday in ay dharka la baxaan kulaylka awgeed, waxase weli muuqata in ardaydu ay dhidid wada qoyeen. Dugsiyada dabaqadda hoose ayaa hore u lahaan jiray marawaxado gaar ah, halka qaarkoodna lahaayeen qaboojiyeyaal xilligan oo kale ardayda loo shido, laakiin koronta la’aanta jirta ayaa hadda arrintaas suurtogelin weyday.