Midabka Gacmaha iyo Gariir Lagu Arko Ayaa Laga Garan Karaa Xanuunno Badan Oo Khatar Ku Ah Nolosha

0
3291

Hargeysa (Geeska)- Sida ay ishu u tahay daaqad laga dheehdo waxa maskaxda ka dhex guuxaya iyo dareenka qarsoon ee qofka, ayaa ay gacantuna u tahay daaqad laga arki karo xaaladda caafimaad ee qofka ama mushkilado qofka caafimaadkiisa dhibaato ku keeni kara oo aanu ogeyn. Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofku uu si gaar ah fiiro dhow ugu yeesho wixii isbeddel ku yimaadda awoodda gacmihiisa, maadaama oo gacantu ay tahay xubin xidhiidh toos ah oo dhow la’ leh maskaxda.

Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay shabakadda wararka ee Alcarabiya ku eegaysaa qaar ka mid ah xaaladaha caafimaad darro ee laga garan karo isbedelka ku yimaadda awoodda ama muuqa gacanta.

  1. Cudurka ku dhaca daloolka curcurka

Waxaa jira xanuun ku dhaca curcurka ama cumaamunta hadba sida aad u taqaanno gaar ahaan dalool ku yaalla gudaha lafaha. Waxa uu xanuunkani ka dhashaa cadaadis aan caadi ahayn oo marka hore ku dhaca neerfaha dhexe ee afka qalaad lagu yidhaahdo (Median Nerve), kaas oo ka mid ah neerfayaasha waaweyn ee qaarka sare ee jidhka mara, gaar ahaanna garabka illaa faraha taxan iyo sida oo kale nudaha. Xaaladdan calaamadaheeda waxaa ka mid ah garaac badan, gacanta oo kabuubyo, suulka, faryarada iyo fardhexada oo mararka qaarkood in uu dareenku ka tegey la dareemo, inta badanna habeenkii ayaa xaaladahan la arkaa. Haddii ay xaaladdani sii xumaato waxa ay naafayn kartaa gacanta ama ku keeni kartaa dhaawacyo dhinaca qaab-dhismeedka lafaha ah.

Cudurka Buerger

Waa cudur dhif ah oo sababa in xinjiroow aan caadi ahayni uu ku dhaco qaybo ka mid ah halbawlayaasha iyo xididdada dhiigga ee mara gacmaha iyo lugaha. Cudurkani inta badan waxa uu aad ugu xidhan yahay sigaar nuugista.

Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in calaamadaha muujiya in xanuunkani uu jiro ay ka mid tahay faraha gacmaha iyo lugaha oo uu qofku kabuubyo ka dareemo, midabka ka faraha lugaha iyo gacmaha oo isu beddela buluug ama madow, aakhirkana kabuubyadaas ayaa isu beddesha in dareenku si buuxda uga tago faraha kadibna jidhka oo dhan ku faafo.

Sababta keenta waa dhiigga maraya xididdada oo yaraada xinjiraha awgood, kadibna ay timaaddo in aanu xubnahan faraha sidii loo baahnaa u gaadhin.

  1. Neuropathy (Xanuun ku dhaca neerfeyaasha gacmaha)

Gacmaha waxaa mara neerfayaal aan tiradooda la soo koobi karin oo siyaabo kala duwan macluumaadka uga soo qaada maskaxda si xubnuhu shaqooyinka kala duwan u qabtaan. Gacanta oo dareenkeedu yaraado ama lumo iyo xaraaraddooda oo badataa waxa ay noqon kartaa calaamad muujinaysa in qofku uu qabo cudurka macaanka. Waayo macaanka ayaa keena xaaladdan oo kale, gaar ahaan marka uu muddo dheer kacsanaado, sababtuna waa neeftii Ogsajiinta iyo nafaqooyinkii kale ee muhiimka ahaa ee dhiiggu siday oo aan faraha iyo gacmaha ama lugaha si fiican u gaadhayn.

  1. cudurrada la xidhiidha wareegga dhiigga

Haddii baabacada gacantaada aad ku aragto goobooyin casaan ah, waxa ay noqon kartaa digniin caafimaad darro oo u baahan in aad la jawaabto. Goobooyin casaan ahi waxa ay calaamad u noqon karaan cudurro badan oo khatar ah, waxaa ka mid ah Roomatiisanka, qanjo xanuunka, fiixaha maskaxda, Waraabowga iyo maadadda Mercury oo jidhka ku badatay. Waxa kale oo ay calaamad u noqon kartaa beerka oo burburaya, sababtuna ay tahay hormoonno dheeraad ah oo jidhku soo saarayo. Haddii aad barahan casaanka ah isku aragto dhaqso dhakhtar ugu tag si aad u hubiso in xaaladahani ay jiraan.

  1. Gariirka gacmaha

Waa ay dhici kartaa in gacmaha inta ka hoosaysa cumaacuntu gariir yar samayso iyada oo sababtu ay tahay maadadda Kaafiyeen (Caffiene) oo aad isku badisay ama cillad yar oo dhina neerfaha ah. laakiin haddii xaaladdaasi soo noqnoqoto ama muddo sii jirto waxa ay noqon kartaa calaamad sheegaysa khatar caafimaad darro, sida in qofka uu hayo faalig yar. In jidhka ay ku yartahay maadadda Magnesium, in sumow jiro ama ugu yaraan jidhku tebayo Faytamiinnada D iyo B12.

  1. Dhiig la’aanta

Haddii aad aragto cidiyaha faraha oo si aad ah u caddaaday ama maqaarka oo midab basaas ah yeeshay, waxa ay noqon kartaa calaamad muujinaysa dhiig la’aan ama in ay ku yaraatauy maadadda Hemoglobin oo ah barootiinta ogasiinta gaadhsiiya qaybaha kala duwan ee jidhka.