Midabada Marxaladda Qalafsan Ee Ay Somaliland Marayso Iyo Talada Hoggaamiyenimo Ee Looga Baahanyahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

0
19

Shacabka Somaliland sannadkii 2010 waxay u kala safan jireen

aragtiyo siyaasadeed, haddase waxa loo kala saftaa aragtiyo qabiil

Hargeysa(Geeska)-Xaaladda ay marayso Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ah xaalad qalafsan oo ka dhalatay hoggaaminta siyaasadeed ee lixdii sannadood ee u dambeeyay, waxaanay u muuqataa inay u baahantahay hoggaamin firfircoon oo shacabka midaysa, soona celisa rajadii dadka reer Somaliland.

Sicir bararka ayaa wuxuu u muuqdaa mid aan weli daawadiisii xukuumadu helin, waxaana talabooyinkii ay madaxtooyadu qaaday abuureen suuqyo madow oo sarrif oo aan hore loogu arag Somaliland, iyadoo ay sii adkaatay quutal daruuriga dadka reer Somaliland ee danyarta u badan, waxaana sicir bararkan sii weheliyay abaarta adag ee dalka ka jirta oo sahayatay ugu yaraan 9 milyan oo neef oo ka mid ah 18 Milyan oo xoolo ah oo ay reer Somaliland leeyihiin, sida uu ku warramay talefishanka ITv.

Xoolaha Nool ee uu Sucuudigu joojiyay, ayaa iyana ah caqabad kale oo soo waajahday dadka reer Somaliland, waana wax iska cad in arrimahani saamayn toos ah ku yeelanayaan xaaladda dhaqaale ee dalka.

Iyadoo dhaqaalihii dalku sidaas yahay,  Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dhisay xukuumadii ugu tirada badnayd ee Somaliland soo martay. Gole wasiiro ah oo ka kooban 69 xubnood, Agaasimayaal guud, guddoomiyayaal hay’adeed iyo  la taliyayaal aan tiradooda si rasmi ah loo haynin oo dhammaantood qaata mushahar ayaa noqday  astaanta uu Madaxweyne Siilaanyo caanka ku noqday. Intaas waxa dheer siyaasad cusub oo mushahar lagu siiyo dad lagu sheego xil sugayaal oo aan qaranka wax shaqo ah u haynin.

Kala qaybsanaan siyaasadeed oo la dareemi karo inay halkii ugu xumayd marayso ayaa shacabka reer Somaliland ka dhex jirta, waxaana xoogaystay qabyaaladda iyo adeegsigeeda. Tusaale ahaan wakhtigii xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale, shacabka Somaliland waxa ay u muuqdeen in ay u soo korayaan in loo kala safto aragtiyo siyaasadeed oo isugu soo biyo shubanayay xisbiyada siyaasadda. Laakiin hadda qabiilka ayaa xoogaystay oo xisbinimadii bedelay, aragtiyaha siyaasiga ahina waxa ay u muuqdaan in ay hoos ugu sii dhacayaan in lagu saleeyo dano qabiil.

Kala qaybsanaantan siyaasadeed waxay keentay niyad jab ku yimid shacabka Somaliland oo hore uga midaysnaa amuurah qaarkood. Tusaale ahaan dhisitaankii baarlamaanka iyo dawladda Somaliya ee sannadkan waxa ka qayb galkeeda si toos ah iyo si aan toos ahaynba ugu lug yeeshay dad badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo si muuqata u taageeray shakhsiyaad xilal ka doonaya dawladdaas, halka ay hore ka ahaan jirtay in cid kasta oo halkaas damac ka gala noqoto tuke baal cad oo dadka ka durka isagana laga durko. Waa masiibo siyaasadeed oo aan hore loo arag.

Waxa aan meesha laga saari karin doorka muuqda ee niyad jabka iyo kala fogeynta bulshada ay ku yeesheen tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadayso, oo ay u dambeeyeen heshiiskii shirkaddA DP World iyo saldhigga Milateri ee Berbera, kuwaas oo dhammaantood noqday nabar uga sii dara kala fogaantii iyo dhibtii hore u jirtay, keenayna ugu yaraan jaahwareer ka dhashay awood darro ay xukuumaddu tahli weyday in ay bulshada dhacsiiso xaqiiqada faa’iido ee ku jira.

Dib u dhaca ku yimid dhammaan doorashooyinkii Somaliland, ayaa iyaguna shacabka ku abuuray jaho-wareer iyo niyad jab, waxaana meesha ka baxday rajo ay sannadkii 2010 ka qabeen in Madaxweyne Siilaanyo noqon doono madaxweynihii u horeeyay ee meesha ka saara muddo kordhinta oo sidoo kale dalka ku abuurtay dib u dhac siyasadeed.

Xidhiidhkii siyaasadda dibadda Somaliland, waxa uu gaadhay halkii u hoosaysay, waxaana kala go’ay Somaliland iyo dalalkii saaxiibka la ahaa ee 20-ka sannadood soo barbar taagnaa, si toos ah iyo si dadban uga qayb qaatay horumarka dalka ee dhinacyo dhawr ah. Laba bilooda gudahood waxa ay ay dalalka Ingiriiska, Maraykanka, Sweden, Faransiis, Holland, Denmark, Ireland, Jarmalka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay soo saareen laba warsaxaafadeed oo ay kaga digayaan halista Somaliland ka soo waajahaysa dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinta, taas oo aan dheg jalaq loo siin. Waxaanay warsaxaafadeedkoodii u dambeeyay ku iftiimiyeen inay halis ku jirto kalsoonidii ay dunidu ku qabtay dawladda Somaliland islamarkaana ay Somaliland dib u dhaca doorashooyinka ku weyday malgashiyo aanay magacaabin.

Hoos u dhaca xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka, waxa tusaale loogu soo qaadan karaa laba safar oo u dambeeyay oo uu Madaxweyne Siilaanyo Ingiriiska ku tagay, kuwaas oo aanu haba-yaraato ee, wax kulan ah la yeelanin masuuliyiinta dawladda Ingiriiska. Inkastoo madaxtooyadu ku dooday in socdaalka madaxweynuhu ahaa mid nasasho oo aanu shaqo ahayn, haddana si kastoo uu socdaalku ahaaba waxa taagnaa arrimo ay Somaliland iyo Ingiriisku xiisaynayeen inay ka wada hadlaan.

Hoos u dhaca ku yimid, Somaliland muddadaas lixda sannadood ah oo leh baaxad iyo saamayn taabanaysa dhaqaalaha, nolosha bulshada, arrimaha gudaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda ayaa u muuqda mid marba marka ka dambaysa xawliga uu ku socdaa sii kordhayo, maanta xalka dib loo dhigtaana maalinta xigta sii fogaanayo.

Haddaba mudane madaxweyne, iyada oo ay kooban yihiin maalmaha u hadhay xukuumaddaadu waxaa loo baahan yahay in aad dib isugu noqoto, kana fikirto sidii ugu yaraan dhaawaca iyo dhiig baxa socdaa u noqon lahaa mid intii suurtogal ah la yarayn karo, si wax uun magac iyo mamuus ah ay ugu reebto taariikhda muddo xileedka dawladdaada.