Mid Ka Mid Ah Sawirrada Xusuusta Aadamaha Ku Dhegey Ee Sababay In Si Gaar Ah Looga Naxo Dadka Aids Ka Qaba

0
919

Washington (Geeska)- Sannad kasta bisha u dambaysa maalinteeda koowaad waxaa dunida oo dhan laga xusaa ‘Maalinta Caalamiga ah ee la dagaallanka AIDS ka’ oo ah cudur dila hab-dhiska difaaca aadamaha illaa imikana aan dawo rasmi ah loo helin.

In kasta oo muddooyinkan dambe ay hoos u dhacday tirada dadka cudurkan qaadaa, haddana tobannaankii sano ee u dambeeyey adduunka cudurkani waxa uu ahaa cudurka ugu badan ee aadamuhu ka baqo.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya, sawirka la socdaa waa muwaadin Maraykan ahaa oo lagu magacaabi jiray David Jirby. Bishii Afaraad ee sannadkii 1990-kii ayaa sawirkan David oo cudurka AIDS ka u sakaraadaya lagaga qaaday gobalka Ohio ee dalka Maraykanka. Laakiin waxa uu noqday sawir caalamiya oo si xanuun badan u soo bandhigaya daqiiqaddii ay naftu ka baxaysay 32 jirkan oo indhihiisu kor u rogmeen qoyskiisuna si dareenka taabanaysa u hareero tuban yihiin iyaga oo ka xun geerida aanay waxba ka qaban karin ee wiilkooda kaxaynaysa.

Sawirkan waxaa qaaday ardayad u dhalatay dalka Giriigga oo cilmiga warbaahinta baranaysay, xilligaasna si iskaa-wax-u-qabso ah ula shaqaynaysay ol’olaha la dagaalanka AIDS ka. Teresa Ferrer oo sawirkan indhaha dunida ku soo jeediyey bukaanka AIDS ka ku kasbatay abaal marinta warbaahinta ee caalamiga ah, kadib markii ay sawirka ku baahisay majaladda PEOPLE, qof kasta oo arkayna waxa ay ku baraarujisay shucuurta niyadjabka iyo murugada leh ee qoyska qofkoodu cudurkan u dhimanayaa dareemayaan. 

Sawirkan dareenka uu abuurayey ee calool xumada ah awgeed bilowgii wargeysyada Maraykan dhammaantood waa ay diideen in ay faafiyaan, laakiin markii dambe qoyska Kirby ayaa caddaysay in ay ogoshay faafintiisa iyaga oo sheegay in ay doonayaan in dunidu ay ku baraarugto khatarta cudurkan oo loo dhaqaaqo wax ka qabashadiisa. Xilligaas oo cudurkani uu faraha ka baxay, cilmibaadhisaha dhinaca caafimaadka ee daweyntiisa lagu samaynayeyna weli bilow ahaayeen oo aan la haynin xitaa dawooyin tayo leh oo lagula tacaali karo.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan la dagaalanka AIDS ka ee UNAIDS ayaa tirokoobkeedii 2015 ku sheegtay in dadka adduunka ku nool ee qaba cudurka AIDS ay tiradoodu gaadhayso 36.7 Milyan oo 1.8 Milayn ay yihiin carruur ka yar 15 gu’. Bukaankan badankoodu waxa ay ku nool yihiin Qaarada Afrika inta lama degaanka ka hoosaysa, boqolkiiba 66 dadka sannadkaas cudurkan qaadayna isla gobalkaas ayaa ay ka soo jeedeen.