Mid Ka Mid Ah Odayaashii Muxtarimka Ahaa Ee Reer Hargeysa Oo Geeriyooday

0
537

Picture5Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariisto ee waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday marxuum Cabdi Jaamac Xayd, oo ka mid ahaa odayaasha Somaliland, gaar ahaan kuwa magaalada Hargeysa.

Marxuumku, wuxuu shalay u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay, waxaana maanta lagu aasayaa magaalada Hargeysa. Alle haw naxariisto ee Marxuum Cabdi Jaamac Xayd, wuxuu ka mid ahaa odayaasha samo-taliska ah ee magaalada Hargeysa ku nool, waxaanu si weyn uga soo qayb qaatay dib u heshiisiintii iyo nabadayntii beelaha Somaliland, isagoo kaalin muhiim ah ka soo qaatay dhismaha qaranka. Marxuumku wuxuu ahaa ehlu cibaado ka shaqeeya isu soo dhawaynta dadka.

Marxuum Cabdi Jaamac Xayd, waxa umadda iyo shacabka uu ka geeriyooday ee Somaliland tacsi u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweynuhu qoraalkiisa tacsida ah oo xalay laga soo saaray madaxtooyada wuxuu ku yidhi sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdi Jaamac  Xayd oo ku geeriyooday 25/04/2014, Magaalada Hargeysa.

 

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayaashii iyo Ganacsatadii Reer Hargeysa qayb weyna ka soo qaatay nabadayntii iyo dhismaha wadanka.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.”

 

Alle haw naxariisto Marxuumka, haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika, waxaanu si gaar ah tacsi ugu diraynaa qoyska iyo ehelka uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Jaamac Xayd.