Mid Ka Mid Ah Khudbadihii Daahir Rayaale Kaahin Ee Xusuusta Shacabka Galay

0
3784

Hargeysa(Geeska)-Waxaanu cadadka maanta ee wargeyska Geeska Afrika idiinku soo gudbinaynaa baaq dardaaran oo ah oo uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin u jeediyay shacabka Somaliland, xilli ay xiisad adag oo siyaasadeed ka jirtay dalka oo u dhaxaysay xisbigii UDUB ee uu hoggaamin jiray iyo xisbiga KULMIYE oo uu Axmed-siilaanyo hoggaamiye u ahaa.

Madaxweyne Rayaale, ayaa shacabka la hadlay, waxaanu ugu baaqay inay iska ilaaliyaan in loo kala abtiriyo si loo kala fogaado, isagoo ku guubaabiyay in la ilaaliyo nabadda iyo wada jirka oo uu ku tilmaamay mid dan u ah xataa qudhaanjada.

Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu khudbadaas taariikhda gashay ku yidhi  “Inaga oo wada jirna ayaan wax ku ahaanaynaa, inaga oo wada jirna ayaan himaladeedna aqoonsiga aynu ku raadinayno ayaynu ku gaadhi karnaa,inaga oo kala jirna waxba kuma gaadhayno, waxaan leeyahay shacbi weynaha ninka idin jecel ee dalkan jeceli waxa weeye ka wada jira idin yidhaahda, ninka idin necebi waa ka kala taga idin yidhaahda, waa ka isku kiin dira, waxaan u malaynayaa 2002 ayaan bari aan ka hadlaayay khayriyada ayaan idhi (Somaliland cid u talisa ayay u baahan tahay ee cid u abtirisa uma baahana), Somaliland cid u talisa ayay u baahan tahay maantana ee cid u abtirisa uma baahna, basashu waa ay qurux badan tahay laakiin haddii la dhilo dabaylaha ayaa kala qaada mar dambena  layskuma soo celin karo, ayaan daro ayay noqonaysaa iyada oo aynu Soomaaliya kaga goosanay dhibaato ayaa naloo gaystay inaan madaxtinimada u marno waxaan loo joogin.”

Madaxweyne Daahir Rayaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Madaxtinimada waxa loo maraa ayaan anigu aaminsanahay mar kasta oo aan joogana aan u mari doonaa umadda iyo wada jirkeeda, wado kale oo loo mari doonaa ma jirto, wadada aan jeclahay inay saaxiibaday u maraana waataas, xisbiyada qaranka dhamaan waxaan u soo jeedinayaa inaan shuruurd la’aan isugu nimaadno danteena iyo taladeednana aan qabsano, dan aynaan ku kala maarmayn ayaa inaga dhaxaysa, hadaanu si xun iyo si wanaagsanba u wada joogno halkan ayaan wada joogaynaa, dadka halkan jooga ee Somaliland wakhtiga alle u qabtay ee suurta la afuufo ayuunbay ka dhamaanayaan, inta kale halkan ayay ku wada noolaan doonaan, waxaan anigu door bidayaa inay wanaag ku wada joogaan, wanaag inaan ku wada noolaano, waxaan qabaa inaan ku tartano wanaaga  ee aynaan xumaanta ku tartamin, waxaan u soo jeedinayaa shacbiga Somaliland wax badan ayaa inoo qabsoomay, waxaas inoo qabsoomay in ninkasta oo shacbiga Somaliland ah uu gaadh ka hayo,waxa inaga dhaxeeya cid gaar u ilaalin karaysaa ma jirto, waajibka na  saaran inaanu umadda isku hayno weeye, waanu isku haynaynaa intaanu isku haynayno laakiin shacbiguna run ahaantii waa inay nagula shaqeeyaan.”

Waxa uu Daahir Rayaale ugu danabyntii hadalkiisa ku soo gunaaday in nabada dhamaan shacbiga ay dan u tahay“waxaan leeyahay shacbigeenu waa dad wanaagsan laakiin shacbigeena waxaan uga digayaa wax kasta oo fidno inoo horseedi kara in aan dhag loo raaricin, nina aan laga maqlin waxii isku fidnaynaaya anigana yaan layga dhagaysan nin kalena aan laga dhagaysan, kalmada wada jir,wada noolaansho iyo midnimo uun ha noqoto dadaalka kaliyaata ee aynu ku gaadhayno himiladeenuna waa taas, waxii taas ka duwaniba waxay inoo keeni karaan burbur iyo khilaaf iyo wax aan dan ahayn, run ahaantii maslaxad inooma keeni doonaan. Umaddi wax kaliyaata ayay waxaas oo dhan kaga gudbi kartaa waa waxa ay wada aaminsantahay oo lama taabtaan ah waa qaranimada iyo nabada, cidna inay taabato maaha dhamaanteen ayaa ku nool ilaa qudhaanjada ayaa ku nool.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here