Meeraha Uraano Oo La Ogaaday In Macdanta Dheemantu Ay Sida Roobka Ugu Da’do Iyo Sababta

0
1718

Washington (Geeska)- Muddo dheer ayaa saynisyahannadu ay qabeen dareenka ah in ay jiraan meereyaal uu ku da’o roob wata dhagxaan macdanta dheemnta loo yaqaanno ah, gaar ahaan meeraha Uraano. Laakiin hadda ka hor saynisyahannadu uma ay badheedhin in ay arrintaas biyo-kama dhibcaan u qaataan.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Stanford oo ku taalla gobalka California ee dalka Maraykanka ayaa imika aaminay in ay run tahay in xaddi aad u badan oo macdanta Dheemanta loo yaqaanno ahi ay sida roobka ugu dhibicdo meeraha Uraano iyo hareerihiisa, iyaga oo sababtana ku sheegay in cadaadiska aadka u sarreeya ee ka jira meerahan iyo meereyaal kale oo uu ka mid yahay Docay, marka uu la falgalo labada curiye ee Haydroojiin iyo Kaarboon in ay ka dashaan jajab yaryar oo ah macdanta Dheemanta.

Xaggee ay macdantaasi ku dambaysaa

Waxa ay saynisyahannadu sheegeen in macdanta Dheeman ee sida roobka ugu da’da meeraha Uraano, marka ay dhulka meerahaas muddo taallo ay si aayar-aayar ah u aasanto. Cilmibaadhiso hore ayaa muujiyey in dhulka hoose ee meeraha Uraano iyo Docay ay ku badan tahay Dheemantu, waxa se ay u malaynayeen in ay tahay macdan dhulka ka samaysantay. Caalim ku xeeldheer cilmigan oo lagu magacaabo Dominique Kraus kana mid ahaa dadka daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in arrintani ay wax ka beddelayso aaminsanaantaas hore, “Hore cilmibaadhayaashu waxa ay u malaynayeen in Dheemantani ay dhulka meeraha ka samaysantay” ayaa ka mid ahaa hadallada Saynisyahankan.