Maydka Nin Jarmal Ah Oo Laga Helay Hoteel Ku Yaala Magaalada Berbera Iyo Booliska Oo Ka Hadlay Baadhis Lagu Sameeyay Maydkiisa

0
543

Picture8Berbera (Geeska)-Nin dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jarmalka, isla markaana shaqaale ka ahaa Hay’adda GIZ ayaa meydkiisa laga helay hoteelkii uu ka degenaa Berbera, gaar ahaan qolkiisii hurdada.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Saaxil gaashaanle Cabdi Cali Xayd, ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka loo helay meydka ninkan, isaga oo sheegay inuu xiliga ay ogaadeen meydka ay kaashanaayeen Hay’adda uu shaqaalaha ka ahaa.

Taliyaha qaybta booliska oo ka hadlaayey arrintaas ayaa yidhi: “ninkan waxaa la yidhaahdaa Alexander Edler Von oo u dhashay wadanka Jarmalka, dhashayna 1951, geeridiisu waa geeri caadiya, cid ka dambaysay iyo cid ku lug lahaydna  ma jirto. Anagu boolis ahaan waxaanu ognahay in ninkaasi uu si caadiya u dhintay”

Taliyaha ayaa intaas ku daray in geerida ninkani baadhitaan lagu sameeyey lagu ogaaday inuu iskii u dhintay, waxaanu intaas ku daray in baadhintaan lagaga sameeyey cisbitaalka Berbera sidaas lagu xaqiijiyey, halkaas oo uu maydkiisu yaalo.

Maamulka hoteelka uu ninkaasi degenaa ayaa sida uu sheegay taliyaha booliska ee saaxil waxay ku soo war galiyeen in qol ka mida laga shakiyey, waxaana si wada jira qolka uu ninkaasi ku geeriyooday u soo wada gaadhay qaar ka mida shaqaalaha Hay’adda iyo ciidanka booliska.

Taliyaha oo faah faahin dheeraada ka sii bixinayaa, isla markaana sawirayaa qaabka loo jabiyey albaabka qolka meydka lagu arkay ayaa yidhi “waxaanu u yeedhnay shaqaalaha Somalida ah ee uu ninkaasi la shaqaynaayey, waxaanu u yeedhnay maayarka, waxaanu u yeedhnay xoghayaha dawalada hoose, waxaanu u yeedhnay xoghayaha gobolka, isla markaana waxaa nagala qayb qaatay laba nin oo ajaanib ah oo ka mida ragii meesha ku jiray oo mid ka midi u shaqaynaayey WFP. Albaabka qolku wuu xidhnaa, waxaanu aragnay ninkaas oo qaawan, oo qadaadka u jiifa oo mayd ah.”

Waxa kale oo uu intaas ku daray taliyaha booliska in ninkaasi sanka iyo afka uu dhiig ka yimid.

Ninka ayaa la taliyenimo kula shaqaynaayey Hay’adda GIZ qaybteeda magaalada Berbera, sida uu sheegay taliyaha booliska, waxaanu dalka yimi 02/11.2014.