Maydka Maxamed Saleban Tubeec Oo Maanta Lag Dejinayo Muqdisho

0
494

Picture3Hargeysa(Geeska)-Maydka Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec boqorkii codka dadka  Afsoomaaliga ku hadla, ayaa maydkiisii laga soo anba-baxiyay dalka Jarmalka oo uu ku geeriyooday, iyada oo loo duuliyay magaaladda Muqdisho ee Somaliya oo la sheegay in aas sharafeed  qaran loogu samayn doono.

Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa la sheegay inuu ku dardaarmay in lagu aaso magaaladd Berbera ee Somaliland, halkaas oo uu ku dhashay, isla markaasna ay joogaan qaar ka mid ah qoyskiisa, waxaase lagu soo waramayaa in qaar ka mid ah qoyskiisu ay doonayeen in lagu aaso magaaladda Muqdisho ee Somaliya.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliya ayaa ku dhawaaqay in ay xukuumadda Muqdhisho u samayn doonto aas sharafeed qaran oo ay si weyn u abaabulaan.

Geesta kale, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiramxaan Cabdilaahi Saylici oo ay waheliyaan wasiirka ciyaaraha iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta  ayaa iyagu tacsi ugu tagay gurigiisa Hargeysa Maxamed Saleebaan Tubeec walaalkii, iyadoo uu madaxweyne xigeenku magacaabay guddi qaban qaabo oo aaska ka shaqaysa, waxaana la filayay in loo soo duuliyo magaalada Berbera sida dardaarankiisu ahaa,waxaase arinkaas siyaasadaysay dawlada Somaliya.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ubadka Maxamed Saleebaan ay iyagu go’aamiyeen in aabahood lagu aaso magaaladda Muqdisho oo looga gacan haadinayay, waxaana la filayaa in maanta maydka boqorkii codka Soomaalida Maxamed Saleebaan Tubeec in laga dejin doono magaaladda Muqdisho.