Maxkamadda Oo Laba Sanno Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Weriye Cabdimaalik

0
565

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa shalay  laba sannadood oo xabsi ah ku xukuntay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo laba bilood ah ku xidhnaa Hargeysa.

Xukunka maxkamaddu waxay u cuskatay eedo loo soo jeediyay Cabdimaalik oo ay ka mid ahayd faafin warar been abuur ah.

Xeer ilaalinta oo eedda soo oogtay iyo garyaqaannada u doodayay ayaa sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan xukunka maxkamaddu ridday.

Cabdimaalik oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Burco ayaa la xidhay ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.