Maxkamadda Masar Oo Dil Ku Xukuntay Taageerayaashii Ikhwaanka Ee Ugu Badnaa

0
701

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dil ku xukuntey 683 xubnood oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka, kadib markii lagu heley dembiyo ay ka mid yihiin dil loo geystey sarkaal booliska ka tirsan iyo falal kale oo rabshadeed oo amniga lagu carqaladeynayey.

Garsooraha maxkamadda ayaa xukunkaasi shalay ka ridey  magaalada Minya oo ilaa 200 kilometer dhanka

koonfureed ka xigta magaalada Qaahira. Dacwaddan ayaa lala xidhiidhinayaa banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Minya iyo qeybo kale oo Masar ka tirsan, markii ciidamada ammaanka ay xoog ku kala eryeen banaanbaxyo ay dhigayeen taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin bishii August ee sannadkii la soo dhaafey.
 Boqolaal qof ayaa lagu diley olole balaadhan oo lagu kala eryayey taageerayaasha madaxweynihii talada laga tuurey ee Mohammed Morsi.

 

 Bishii la soo dhaafey isla maxkamaddan ayaa 529 qof ku xukuntey dil, iyagoo lagu heley isla dembiga lagu heley dadka shalay la xukumey. Dacwaddaas ayaa socotey muddo laba maalmood oo qudha, waxayna keentey in beesha caalamka ay dhaleeceyaan su’aalna ka keenaan in xukunkaasi uu caddaalad ku saleysnaa iyo in kale.

Qareenadii difaacayay eedaysanayaasha ayaa loo diiday in ay maxkamadda soo galaan, sidoo kalena looma akhriyin eedaha loo haystay.

Kiiska ayaa loo gudbiyay muftiga ugu sarreeya ee Masar – oo ah mid ka mid ah madaxda diinta ee dalkaasi – balse argatidiisa ku aadan go'aanka maxkamadda ayaanan aheyn mid wax baddeli karao.

 

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa beeniyay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen rabshado dalkaas ka dhacay kaddib markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi.

 

Mas’uuliyiinta dowladda Ku meel gaadhka ah ee Masar ayaa wada hawlgallo lagu ugaadhsanayo ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ay ku tilmaameen inuu yahay urur argagixiso, isla markaana xabsiga dhigey qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ururka.