Maxkamadda Iyo Xadhiga Maxamed Baashe Ee Maanta

0
749

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa la filayaa inay maanta go’aan kama dambays ah ka gaadho xadhiga weriye Maxamed-Baashe Xaaji Xasan oo muddo toddobaad ah ku xidhan Hargeysa.

Maanta ayaa u dambaysa maalintii ay maxkamadu u qabatay xukuumadda inay keento wixii cadaymo ah ee ay u hayso dambiga ay soo oogtay.

Maxamed-baashe, ayaa waxa xadhigiisu uu noqday mawduuc hadal hayntiisu aad u badantahay, waxaanay bulshada Somaliland inteeda badani xadhigan ku cambaaraysay baraha bulshadu ku xidhiidho iyagoo ku tilmaamay xadhig siyaasadeed oo laga leeyahay danno kale. Waxaanay xukuumadda ugu baaqeen in muwaadinkan xorriyadiisa loo soo celiyo.

Maxamed, ayaa waxa uu dareen ku muujiyay aragtidiisa uu ka qabo saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta, dareenkaas ayaana la aaminsanyahay inuu sabab u noqday xadhigiisa.