Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo La Horgeeyay Dadka Loo Hayo Dilkii Marxuumad Ruqiya, Xeer Ilaalinta Oo Ka Hadashay Iyo Weedho La Sheegay Inay Isku Difaaceen

0
548

Picture7Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex  ayaa la hor keenay eedaysanayaasha ku eedaysan  dil loo gaystay  Alle haw naxariistee Marxuumada Ruqiya Siciid Ayaanle oo dhawaan si argagax badan loo dilay, isla markaasna god lagu sibdhiyay.

Eedaysanayaasha kiiskan dilka ah loo haysto ayaa la filayey in la dhagaysto dacwadooda, waxase ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex u jartay toddoba cisho oo rumaan ah.Sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi Jeex  kiiskan dilka ah ayaa ilaa hada loo qabtay todoba qof kuwaas oo ku eedaysan falkan, waxaanu xeer ilaaliyuhu sheegay in kiiskan loo qaadi doono sida ugu dhakhsaha badan.

 Ugu horayn xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi-Jeex  Axmed Cismaan Mire oo ka hadlaya eedaysanayaasha kiiskan ee la hor keenay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex  waxa uu yidhi “kiiskaasi waa mid warkiisu cad yahay waana mid aad u fool xun oo jariimad ah, waana hab aynaan dhaqan u lahayn  oo inagu cusub waana lagu guulaystay,  dadkii falkaas ku eedaysnaana  maanta ayaa la hor keenay garsoorka, waxaana xeer ilaalinta loo gudbiyey eedayntii ugu horaysay ee Police-ka, markaas kiiskaas waa la rumaan  gareeyey oo maxkamaddii awooda u lahayd ayaa u rumaan garaysay in si deg deg ah loo qaado, anagana Police-ka ayaa noo keenay   anaguna maxkamadda ayaanu hor gaynay.”

Xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi-Jeex  oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qodobada ay ku eedaysan yihiin dadka loo hayo kiiskan dilka ah waxaanu yidhi “Dadkii dilka tooska u  gaystay marxuumada waxay ku eedaysan yihiin qodobada 434 oo la’la akhrinayo  qodobka 71 ee xeerka ciqaabta guud, dad aan wali warkoodu cadayn  oo gacansiin ku eedaysan  ayaa jira kuwaas oo uu hayo qodobka 297 xeerka ciqaabta guud hadii ay ku cadaato haddii kalena  xoriyadooda ayay heli doonaan, Dadka ee-daysani waa todoba qof oo ah intii fal danbiyeedkaasi ku raad yeeshay ee ilaa imika la ogaaday ee la helay ayuunbaana eedaysan.”

Saxaafadda iyo dadweynaha looma ogolaan inay ka qayb galaan qolkii maxkamadda ee la horgeeyay 7 qof oo ay eedaysanaha koowaad ka tahay gabadh lagu magacaabo Muuna Maxamed Cabdillaahi. Laakiin dad goob joog ka ahaa ayaa sheegay in haweenayda Muuna Maxamed Cabdillaahi ay ku dooday inaanay iyadu qudha ka jarin marxuumadda balse uu inankeeda oo isna xidhani uu ku dhuftay nabarka ay u dhimatay, ka dib markii ay iyada iyo marxuumad Ruqiya is af-dhaafeen isna qabsadeen. Waxa la sheegay inay haweenaydani ku dooday inay leedahay xanuunka macaanka oo sababay inay is bedesho markii uu falku dhacayay. Warku, wuxuu intaas ku darayaa inuu wiilku qirtay inuu isagu dilay marxuumad Ruqiya.  Laakiin hadaladani maaha kuwo si rasmi ah looga soo xigtay maxkamadda gobalka maroodi-jeex.

Ammaanka maxkamadda ayaa shalay aad loo adkeeyay, waxaana buux dhaafiyay dadweyne tiro badan oo halkaas u tagay inay ka qayb galaan dhagaysiga dacwaddan islamarkaana ay indhahooda ku arkaan dadkan loo haysto dilkaas foosha xun.