Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Hay’adda UNICEF Ku Amartay Inay Bixiso Lacag Ka Badan Lix Boqol Oo Kun Oo Dollar Oo Shaqaalahoodii Hore Loo Xukumay

0
855

Picture8Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay ku amartay inay 10 maalmood gudahood ku bixiso lacag dhan ($ 633,916,) Lix boqol sadex iyo sodon kun  iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon  Doolar, oo ah lacag ay leeyihiin 17 muwaadin oo ka mid ahaa shaqaalihii hore ee hay’addaas UNICEF.

Garsoore Faysal C/laahi Ismaaciil oo ah Gudoomiyha Maxakamada gobolka Hargaysa, ayaa qoraal digniin ah oo uu soo saaray 1/22/2014, wuxuu hay’adda ku amray inay lacagtaas ku bixiso tobanka maalmood ee loo qabtay isagoo uga digay inay dib uga dhacaan inay lacagta ku soo bixiyaan wakhtiga loo qabtay, markaas oo haddii ay ka baaqsadaan wakhtigaasna laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan. Qoraalka maxkamadda gobalka Hargeysa ee khuseeya hay’adda UNICEF ayaa u qornaa sidan:  “Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Maroodi-jeex markuu arkay galka dacwadda fulinta ah ee sumadiisu tahay MGH/DFL246/2013 ee ka dhexeeya dhinacyada magacyadoodu sare ku xusanyihiin. Markay aragtay arjiga codsiga fulinta go’aan idaari ee xuquuq shaqaale ee dhaqan gal ah eek u taariikhaysan 22/11/2013 ee ay maxkamadda u soo gudbiyeen qareenada lagu fuliyayaasha kala ah qareen Barkhad Jaamac Aare iyo Siciid Faarax Axmed, markay aragtay (16) ka go’aan guddi ee ka soo baxay xafiiska xidhiidhka shaqo xalinta khilaafaadka shaqaalaha ee ay ka soo saareen go’aan dacwad dhex martay loo fuliyayaasha iyo lagu fuliyayaasha islamarkaana ugu xukuntay loo fuliyayaasha ka koobabn 17 loo fuliye lacagta dhan ($ 633,916,) Lix boqol sadex iyo sodon kun  iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon  Doolar, markay aragtay qodobada kala ah 318, 343, 272, X,H,M markay aragtay asbaabaha sare ku xusan oo dhan awgeed, maxkamadu waxay soo saartay amarka digniinta:

Digniin  Maxakamadeed oo 10 cisho ah

Maxakamada  gobolka M/Jeex Hargeysa Waxay idiinku amraysaa Haayadda UNICEF in aad mudo dhan 10 cish  gudahood ah  ku soo bixisaan Lacagta  la idinku xukumay  ee dhan 633,916,Lix boqol sadex iyo sodon kun  iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon  Doolar, lacagtaas oo ay leeyihiin 17 loo fuliye oo ah shaqaalihiinii hore,  Haddii ay ku soo bixinwaayaan waa Hayada UNCEF   waxay Maxakamadu idiinka qaadi doonta talaabo sharciga waafaqswasan oo la xidhidha Arintiina arintiina.”

 

Geesta kale shaqaalahan ayaa muddo dheer maxkamadda ay iskula jireen hay’adda UNICEF iyagoo shaqaaluhu ku dacwoonayay inay hay’adu xaqoodii duudsiday.