Maxkamadda Ciidamada Oo Xabsi Daain Ku Xukuntay Taliyihii Hore Ee Xabsiga Daloodho

0
660

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda Ciidamada Qaranka ayaa xabsi daa’in ku xukuntay taliyihii hore ee saldhiga Daloodho ee magaalada Hargeysa oo hore dil ugu gaystay wiil yar oo 16 jir ah.

Dilkan ayaa dhacay sanadkii 2012-kii, waxaana sidan lagu sheegay war saxaafadeed ay maxkamadda sare ee ciidamadda qaranku soo saartay oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha maxkamadaas Xasan Aaadan Sugule.War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan“Maxakamada Ciidanka Qaranku waxay soo saartay Xukunkan Maanta oo Taariikhdu tahay 03/02/2014, kaasi oo Xabsi Daa’im lagu xukumay Gacan ku dhiigle Maxamed Aw Cabdi Jaamac oo hore u ahaa Taliyihii Saldhiga Daloodho, oo dilay Marxuum Cabdiraxmaan Cawil Xasan Xuseen oo 16 jir ahaa Magaca Hooyadiina la yidhaahdo Kawsar Good Iimaan markii taariikhdu ahayd 31/8/2012.”