Maxkamad Maraykanka Ku Taalla Oo Soo Saartay Xukun Sheegaya In Aanu Danayeerku Sida Aadamaha Ahayn

0
669

New York (Geeska)- Maxkamadda racfaanka ee gobalka New York ee dalka Maraykanka ayaa khamiistii aynu soo dhaafnay soo saartay go’aan kama dambays ah oo sheegaya in danyeerku aanu yeelanayn xuquuq la mid ah xuququda aadamaha, iyada oo sida oo kalana diidday in la sii daayo laba daanyeer oo qoys haystay, si loo geeyo beerta xayawaanka.

Go’aankan oo ay isku raaceen dhammaan garsoorayaashii maxkamadda racfaanka ee dhegeystay ayaa yimid kadib markii urur lagu magacaabo Mashruuca xuquuqda xayawaanka (Nonhuman Rights Project) oo ka dhan ahaa nin la sheegay in uu gurigiisa ku haysto la xabbo oo daanyeer ah, isaga oo ku haya xero shabag ah oo beerta gurigiisa ugu dhex taalla, magaalada New York. Hay’addan oo uu qareen u ahaa sharciyaqaan Steven Wise ayaa ku andacootay in daanyeerkani uu leeyahay xuquuq la mid ah aadaamaha, maadaama oo uu meelo badan dadka ka shabbaho, sidaa awgeedna aanay sax ahayn in qof inta uu meel ku xidho uu iska haysto.

Ururka Nonhuman rights Project ayaa dacwaddiisan ku andacooday in daanyeerku aanu ahayn xawaayaan caadiya, iyaga oo adeegsaday xeeldheerayaal iyo culimo aqoon durugsan u leh cilmiga noolaha, si ay u xaqiijiyaan in daanyeerku uu abuur ahaan waxyaabo badan la wadaago aadamaha, gaar ahaan hab-dhaqanka, fahamka iyo nolosha bulshada. Laakiin garsooraha dacwaddan qaadayey ayaa maxkamadda racfaanka ayaa go’aankiisan ku sheegay in awoodo ama kartiyo dheeraad ah oo ay wadaagaan daanyeerka iyo aadamuhu, aanu macnaheed hadana noqonayn in danayeerku uu aadame yahay, sdiaa awgeedna ma saarna masuuliyado sharci, ama qalad sharci uu ciqaab ku kasbado.