Maxaynu Ku Maamuusnaa Madaxweyne M I Cigaal?

0
636

Picture33dii May 2002, 12 sanno ka hor, waxay warbaahinta adduunka iyo ta dalkeenuba si lama-filaan ah u weriyeen dhimashada Madaxweynihii labaad ee Somaliland, Alle ha u naxariisto’e, Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Waxaynu xusuusan karnaa in ay ahayd maalin xanuun kulul oo murugo badan, maalin mustaqbalka dalku mugdi galay qof kastaana wadnaha farta ku qabtay.  Walow ay geeridu mar walba xaq tahay, haddana Cigaal tiisu waxay inooga dhignayd tii uu Cali Jaamac Haabiil yidhi “abidkii rag waa gu’i jiree tanise waa gaw’e”.

Dareenadaas naxdinta leh ee ay dadku ku qaabileen geerida Cigaal waxay ka shidaal-qaadanayeen saamayn culus oo uu noloshooda ku lahaa,  xusuuso isbiirsaday iyo muddo ku siman nus-qarni oo uu ahaa hoggaamiye siyaasadeed oo hadh iyo habeen ku hawlan guud ahaan danaha Soomaalida gaar ahaana kuwa Somaliland. Sidoo kale, waxay qiraal dadban u ahaayeen in uu taariikhdeena kaga jiro kaalinta uu Nelson Mandela Koonfur Afrika kaga jiro, Mahatma Gandhi Hindiya kaga jiro ama Abraham Lincoln Maraykan kaga jiro.

Cigaal wuxu  udub-dhexaad u ahaa saddex marxaladood oo adag oo uu mid walba ka tagay mahadhooyin aan ka maydhmayn maskaxdeena.  Wuxu hormood ka ahaa halgankii cuslaa  ee dalkeena  lagaga  furdaamiyey gumaystihii Ingiriiska. Isaga ayaa gacantiisa ku soo saxeexay xornimadii Somaliland hanatay 1960kii wuxuna noqday hoggaamiyihii u horeeyey  ee ay Somaliland yeelato iyadoo xor ah.  Markii ay labadii Soomaaliyeed midoobeen, Cigaal wuxu maskax iyo muruqba isugu geeyey sidii ay Soomaalidu u noqon lahaayeen quwad ka dhex muuqata Afrika isla markaana hiigsata wadamada jiitay. Aragtidaas ayaanu ku foognaa ilaa ay milatarigu af-gambiyeen 1969kii isaga oo ra’iisal-wasaare ah kana dhigeen maxbuus. 

Sidaas kuma uu galbane, amarka Ilaahay, mar kale ayuu Cigaal dib u soo kabtay innagana ina kabay. 1993-kii ayuu majaraha u qabtay Somaliland. Waa wakhti ay dalka iyo dadkuba baaba’ ahaayeen, sharciga iyo kala-dambayntu gebi ahaan lumeen, caydh iyo colaadana geyiga aafeeyeen. Wuxu qabtay shaqo ay quwadaha adduunka iyo bulshada caalamku 23 sanno ka qaban kari la’ yihiin Soomaaliya. Dadkiisii ayuu jiheeyey wuxuna ku guuleystay in uu hub-ka-dhigis ku sameeyo maleeshiyaadkii is hor fadhiyey iyo daydaygii laga tallaabsan kari waayey ee qoriga ku qadhaabanayey. Wuxu dhisay hay’adihii qaranka ee meesha ka baxay sida booliska, ciidanka qaranka, ciidanka asluubta, garsoorka, wasaaradaha iyo wakaaladaha kale ee fulinta. Wuxu soo daabacay kana shaqaysiiyey lacag Somaliland u gaar ah iyo baasaboor, wuxuna diyaariyey dastuur casriyeeyey Somaliland oo afti dadweyne lagu ansixiyey. Sidoo kale wuxu seeska dhigay nidaamka dimuqraadiga ah ee asxaabta badan isagoo yagleeyey curadkii xisbiyada- UDUB. Iyadoo aan la dafirayn shaqooyinkii ay qabteen madaxdii ka horeysay iyo kuwa ka dambeeyeyba, waxa la odhan karnaa guulaha muuqda ee uu qarankeenu maanta ku faano badankooda Madaxweyne Cigaal baa horseeday amaba dhidibada u taagay. Ku darsoo dhaqaale uu isagu lahaa oo kaga baaba’ay mooyee hanti uu inaga urursaday lama sheegin.        

Sidaas oo ay tahay marxuumku muu helin maamuuskii uu mudnaa. Haddii aan la ilduufeyn ama aan la dafireyn Cigaal wuxu dunida ka mudnaa Nobel Peace Prize. Abaal-marinta calamiga ahi haba dambaysee waxa muuqata in aanay weli dadkiisa iyo dalkiisu siinin maamuuskii ku habboonaa marka laga reebo Madaxweyne Rayaale oo ugu magac daray Madaarka Hargeysa, taas oo ahayd tallaabo wanaagsan balse aan ku filayn. Ilaa hadda si dhammeystiran looma qorin taariikh-nololeedkiisii iyo raadkii uu ka tagey. Xus-sanadeedka loo sameeyaa hoos ayuu u sii shiiqayaa sannadba sannadka ka dambeeya waxanad moodaa in uu muddooyinkii dambe ku soo ururay xayndaabka qoyskiisa. Intaas waxa ka daran werwer laga qabo ilaa heerka ay jiilka cusubi ku baraarugsan yihiin taariikhdiisa. 

Haddii aad booqato Kiiniya waxad arkaysa sida loo buunbuuniyey loona jecel yahay Jomo Kenyatta oo ahaa hoggaamiyihii halgankii xorriyadda iyo madaxweynihii koowaad ee Kiiniya. Meeshii aad martaba magaciisa ayaa lagu xardhay- Kenyatta Airport, Kenyatta Hospital, Kenyatta University, Kenyatta Library, Kenyatta Park, Kenyatta Conference Centre…lacagtoodana noodh walba wuu ku sawiran yahay. Nin Kiiniyaan ah ayaan weydiiyey “miyeydaan lahayn geesi kale maxaad meel walba Kenyatta ugu bixiseen?” Wuxu iigu jawaabay in ay geesiyadoodu badan yihiin laakiin Jomo Kenyatta uu yahay geesiga la isku wada raacsan yahay. Aniguna waxan aaminsanahay in uu Cigaal yahay geesi ay dadka Somaililand isku raacsan yihiin.

 

Ugu dambayn, si aynu waxtarkii Cigaal u maamuusno, qarankeena iyo qoyskii uu ka tagayna ay sharaf ugu noqoto, waxay ila tahay in ugu yaraan lacagta Somaliland lagu soo sawiro, buug-taariikheedkiisa la qoro, manhajka dugsiyadeena lagu daro, xus-sanadeedkiisuna noqdo maalin qaranku leeyahay. Geesiyadii shalay oo aynu xusnaa waxay dhiirigelin u tahay geesiyada maanta iyo kuwa berito.

Wa Billaahi Tawfiiq

mustafekhaire@gmail.com