Maxay Yihiin Siraha Dunida Wareeriyey Ee Diyaaradda Malasia?

0
415

Picture4Waxaa dunida si weyn uga yaabiyey diyaaradda laga leeyahay Malasia ee maqan, haddaba maxay yihiin xaqiiqooyinka ku duugan ama arrimaha shakiga weyn keenaya ee illaa hadda la hayo:

Diyaaraddan la waayay waxay ka duushay Kuala lumpur, waxayna sidday rakaab gaadhaya 239 qof iyo shaqaalihii diyaaradda, waxay u socotay Beijing, waxay duulimaadkeeda bilawday 01:07 xilliga Malasia, hase ahaatee 14 daqiiqo ka dib oo ku beegnayd 01:21 ayaa mar qudha la waayay laba qaybood oo ka mida xidhiidhka diyaaradda, isla saacad ka dibna waxaa lagu warhelay diyaaradda oo dul haadaysa biyaha koonfureed ee dalka Shiinaha hase ahaatee ka leexanaysa jidkii duulimaadkeeda una jihaysatay dhinac galbeed waana markii ugu dambaysay ee radar-du ama qalabka duulimaadka hagaa arko diyaaraddan. Diyaaraddan oo nooceedu yahay Boeng 777 isla markaana lambarka duulimaadkeedu ayaa MH370 waxaa la waayay saacad ka dib markii ay duushay, hase ahaatee arrinta shakiga badan keenaysa ayaa ah shan saacadood ka dib ayaa saraakiisha Maraykanku leeyihiin waxaa diyaaraddani fariin ama Signal (PING) u dirtay dayax gacmeed Ingiriisku leeyahay, waxayna xilligaas ku duulaysay 35,000ft biyaha dushooda.

Xoga kale ee laga hayo duulimaadkan ayaa ah in laba qof oo soo xaday baasabooro dalxiisayaal ahi ay diyaaraddan raaceen, laakiin markii ay baadheen booliska caalamiga ah ee Interpol waxay xaqiijiyeen inaan dadkaasi wax xidhiidh ah la lahayn kooxaha argagixisada isla markaana ay yihiin laba nin oo u dhashay dalka Iran loona malaynayo inay yihiin magangelyo raadis.

Waxaa qoysaska ay dadkoodu diyaaraddan saarnaayeen ay warbaahinta u sheegeen in telefoonada rakaabku ay mararka qaarkood dhacayeen ka dib intii diyaaradda la waayay, hase ahaate arrintaasi waxaa fasiraad ka bixiyey khubaro dhinaca isgaadhsiinta ku xeeldheer oo leh waxaa suuro gal ah inay hawada tahay ama telefoonku uu ku dhacayo qolalka kaydka fariimaha ama iwm taasina ay shakigan keentay.

Arrimaha shakiga keenaya ayaa ah weli lama hayo burburka diyaaraddan sidoo kale lama hayo cajaladda kaydka diyaaradda, xog kaydiyaha diyaaradda wuxuu duubaa dhammaan macluumaadka diyaaradda iyo xaaladdii ugu dambaysay ee ay ku sugnayd ama sidii wax u dhacayeen markaas, xog kaydiyahan ama sanduuqa madaw (Black Box) waxaa loo sameeyey hannaan uu kaga badbaadi karo xattaa haddii diyaaraddu burburto, waxaa kale oo ku rakiban qalab xidhiidh la samayn kara xarumaha diyaaradaha laga hago ka dib burburkiisa, hase ahaatee arrinta mucjisada ah iminka ayaa ah weli lama hayo xattaa sanduuqan madaw, taasina waa arrimaha keenaya shakiga badan.

Warbaahinta qaarkood ayaa leh waxaa suurogala in diyaaradda la afduubay oo la doonayo in loo isticmaalo weeraro, CIA iyo FBI-da Maraykanka iyo weliba booliska caalamiga ah ee INTERPOL ayaa xilligan ku hawlanbaadhis arrintaas ku saabsan, lamase hayo xaqiiqda arrintaasi.

Sida uu baahiyey Wargeyska Daily Mail, wararka qaar ayaa marka la eego wararka xsheegaya in 14 daqiiqo ka dib la waayay isgaadhsiinta diyaaradda qayb ka mida, saacad ka dibna ay shaashadaha diyaaradaha laga hago ka baxday, waxaa suuro gala in cid diyaaradda saarani ay si toos ah u bakhtiisay ama u damisay isgaadhsiinta, taasina waxay sii kordhinay shakiga la qabay.

Weriye ku sugan aqalka gaashaandhigga ee Maraykanka ayaase isagu leh saraakiil milateri ayaa ii sheegay inay u badan tahay in diyaaraddani ay ku dul burburtay badda Hindi ka dib markii ay dhinacaas u soo leexatay, taasina waa wararka iminka ugu dambeeya waana arrinta xilligan keentay in baadhista diyaaraddan lagu soo fidiyo dhinaca badda Hindia.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo soo xiganaya khubaro kala duwan ayaa baahiyey shalay oo khamiis ahayd in weli diyaaraddu ay si dadban xidhiidh ula samaynaysay dayaxgacmeed lagu magcaabo Immasat, xidhiidhkan ayaa ah signal ama fariin diyaaradda qalabkeedu dirayo taas oo macneheedu yahay weli waan shaqaynayaa, lamase oga halka fariimahaasi ka imanayaan, waxase khubaradu leeyihiin diyaaraddu waxay haysatay kayd shidaal oo ay ku duuli karto shan saacadood iyo wax ka badan ama in ka badan 2,500 Mile.

Dawladda Malasia ayaase iyadu aan xaqiijinin wararka sheegaya in diyaaraddu shan saacadood ka dib markii la waayay inay xidhiidho samaynaysay, waxana baadi-goobkan ka qayb qaadanaya in ka badan 56 Markab oo toban dal ka kala socda kuwaas oo aan illaa hadda haynin wax raad ah. Waana hal xidhaale xilligan dunida horyaalla, waxaana cid waliba ay sugaysaa natiijada ka soo baxda baadi-goobkan taas oo ama isu bedelaysa masiibo bini-aadan oo gallaafatay boqollaal qof ama keenaysa garaad ka sarreeya farsamada casriga ah ee dunidani haysato.