Maxay Wargaysyada Magaalooyinka Madrid & Barcelona Ay Ka Yidhaahdeen Kulankii El Clasico-da Ee Santiago Bernabeu Ka Dhacay.

6
2045

 

 

Saxaafada Caalamka iyo kuwa maxaliga ah ee dalka Spain ayaa si wayn uga falceliyay kulankii El Clasico-da ee Santiago Bernabeu ku dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kaas oo ay kooxda ay Valverde 3-0 ugu awood sheegatay kooxda koobka La Liga difaacanaysa ee Real Madrid. Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Luis Suarez,Lionel Messi iyo Vidal ayaa saddexda dhibcood u gacan galiyay Barca si ay 14 dhibcood uga sare marto Los Blancos.Laakiin sidoo kale guuldarada Real Madrid soo gaadhay ayaa loo arkaa mid sabab dhab ah ugu noqon karta in ay difaacan kari waydo koobka La Liga halka sidoo kale kooxaha Atletico Madrid iyo Valencia oo kaalinta labaad iyo saddexaad ku jiraa ay guuldaro soo gaadhay waxayna taasi keentay in Balaugtana ay 9 dhibcood ku qabatay hogaanka La Liga.

Boga Hore Ee Wargayska Marca: Wargayska Marca ee Madrid ka soo baxa bogiisa hore ku soo ku soo qaatay sawir wayn oo uu Zidane uu madaxa foorarinayo waxaana qoraalada la soo raaciyay ka mid ah: “Real Madrid 0-3 Barcelona. Waqtigu wuu tagay. Barca waxay u soo laabtay in ay Bernabeu duqayso, hadda waxay yihiin Championska jiilaalka… waxayna ugu dhawaan yihiin kuwa xagaaga”.Waxaan qoraalka boga hore ee Marca la sii raaciyay: “Zidane waxa uu qiyaasanayaa in uu bartilmaameed u noqon doono eedaymaha, laakiin ‘ Waxba a badali doono’. Qoraalka Marca ayaa sidoo kale lagu sheegay natiijadii kulankii Valencia iyo Villarreal :”Valencia 0-1 Villarreal’. Bacca ayaa go’aamiyay kulan muran dhaliyay oo ka dhacay Mesttala”.

 

 

 

Laakiin wargayska Marca ayaa warbixino aad u badan ka diyaariyay kulankii El Clasico iyada oo ciwaano looga dhigay: ‘Bernabeu wuxuu noqday gurigii Barcelona” ” Lionel  Messi waa boqorlka El Clasico-da” iyo ” Muxuu Zidane saxiixyada u sameeyaa haddii uu ciyaartoy isku mid ah uu ku ciyaarayo?”.

Boga Hore Ee Wargayska As: Wargayska AS ee isna Madrid ka soo baxa ayaa bogiisa hore si wayn ugaga hadlay guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay El Clasico waxaana lagu yidhi: “Barca way duushay’. Zidane waxa uu qaatay halista Kovacic halkii uu ka qaadan lahaa Isco isla markaana waa la eedeeyay”Boga hore ee AS ayaa lagu soo qaatay hadalkii  Zidane: ‘Anigu waan ogahay in ay doonayaan in ay i eedeeyaan laakiin anigu waxba kama qoomamoon doono.” Waxaana sidoo kale la soo qaatay odhaahdii Valverde: “Horyaal badan ayaa hadhsan, natiijadani waxba lama micno aha”.

Boga Hore Ee Wargayska Mundo Deportivo:Wargayska Mundo Deportivo oo magaalada Barcelona ka soo baxa ayaa boga hore u hibeeyay sawirkii uu Messi habka taariikhiga ah ugu dabaal degay waxaana qoraalka lagu yidhi: Ka ugu fiican 14 L” waxaana lays raaciyay magaca Lionel Messi oo xarafka L laga soo qaatay iyo 14ka dhibcood ee ay Barcelona ka horayso Real Madrid. Waxaana la sii raaciyay natiijada 3-0 oo si gaar ah loo calaamadiyay.Qoraalka Mundo oo sii socda ayaa lagu yidhi: “Qaybtii danbe oo fiicnayd, Barca waxay duqaysay Bernabeu isla markaana waxay si cad 14 dhibcood uga baxday Madrid. Suarez, rekoodhe Messi iyo Alexi aya dhamaystay bandhig wayn oo si wada jir ah loo ciyaaray”.Guud ahaan saxaafada Spain iyo caalamka ayaa si wayn uga hadashay guushii Barcelona ku soo gaadhay Beranbeu iyo guuldaradii ay Madrid la kulantay iyaga oo ciwaano iyo erayo kala duwan balse isku micno dhaw u adeegsaday.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here