Maxay Saddexda Shirguddoon Ka Yidhaahdeen Xalinta Khilaafka Golahooda?

0
547

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen, ayaa ka hadlay aragtidooda go’aanka ay soo saareen golaha guurtidu, iyaga oo soo dhaweeyay go’aankaas.

Sida oo kale guddoomayaha golaha wakiilada ayaa isagu dhankiisa ka hadlay sida uu u arko haddii xilka qaadis ku timaado. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo ka hadlaayay dareenkiisa waxa uu yidhi“Arintii golaha khusaynaysay ee goluhu kalsoonida siiyay golaha guurtida,golaha guuritdu waxay keeneen go’aankoodii, goluhuna sidii ay ku keeneen ayuu ku aqbalay,dhamaana shacbigu sidaas ha ogaado,dhamaantayo waanu aqbalnay.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo la waydiiyay aragtidiisa codadka hoos loo dhigay iyo haddii ay xilkaqaadis ku timaadaba waxa uu yidhi“42- iyo 55-kaba golaha ayaa samaysan kara markaas waxii go’aan ah ee aanu qaadanay  waanu qaadanaynaa,guddoomiyaha iyo cid kasta oo xil golaha ka haysaba waa la ridi karaa haddii loo soo maro dariiqa sharciga ah kana waxa uu ku dhamaaday kalsooni iyo go’aan laysku wada waafaqay,waxii kale ee ku saabsan xil ka qaadista waxaan filayaa haddii loo maro dariiq sharci ah in la fulin karo waan aqbalayaa anigu, go’aankan maantana waa aqbalay, go’aan kasta oo sharci ahna waan aqbalayaa.”

Sida oo kale Baashe Maxamed Faarax oo isaguna ka hadlaayay dareenkiisa go’aanka guurtida waxa uu yidhi“Waxa kasta oo la go’aamiyo si aanu shacabkayagu uga warwarin khilaafka golaha dhexdiisa ah,waxa kasta oo yimaada waanu qaadanaynaa,waxaanu shacbiga Somaliland ugu bushaaraynaynaa inay isku duubnaadaan oo ay meel ka soo wada jeestaan, cadawgeenuna ka naxo.”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed ayaa isaguna dhankiisa dareenkiisa go’aankaas ku saabsan sidan u cabiray“Khilaafkii waa uu soo gabogabeeyay si wanaagsan ayuu ku dhammaaday oo sidii ay Somaliland caadada u lahayd waligeedba kolkay wax isku qabatana waa loo fadhiisan jiray,waa laga wada hadli jiray, si wanaag ah ayuun bay ku dhamaan jirtay,maantana sidii oo kale ayay mar labaad cadaatay in ay Somaliland bisishay.”