Maxay Daarnayd In Issias Afawerki Uu Muqdisho Ku Negaago Laba Caano-Maal?

0
2076

W/Q Eng. Baashe Cabdi Gaboobe

Wa marki u horeysey ee madaxweyne ajnabi u hooydo Muqdisho inti ka dambeysey burburki dawladdi Somalia 1991. Dhacdadan oo marka hore iftimineysa geesinimada madaxweyne Assiase Afworke madaama u naftisi ku biimeeyey innu u hooydo meel ka mid ah meelaha adduunka ugu khatarsan, marka xigtana waxey inna tuseysa mucangagnimada iyo keni adeyga uu dhashey, marka seddexaadna wuxu gudaayey abaalki weyna ee dawladdi  Somaalia u gashey waqtigi adka ee Eretria ku jirtey halganki qadhaadha ee dib u xoryenta dalkooda . Waxaan xasuusta safarkisi ugu horey ee u yimid UAE Abudhabi isago madaxweyne ah daba yaaqadi 1993,wareysi u siiyey wariyaal Carbeed kuna weydiyeen,‘ maxay Eritrea ugu biiri weyd Jaamicadda Carabta madaama ay wax badan halganki idinka caawisey ? , wuxu ugu jawaabey, ‘’Annaga cidda koobaad ee nacaawisey wa Soomaalida ee haddey jaamical Al Carab wax tar le dehey Soomaalida dhibaateysan bey caawin la heyd ‘’. Hadalkaasu ku aamusiyey wariyaashi Carbeed. Marka afraadna  waxey fariin adag u direysa cid walba’ oy khuseyso arrimaha Somalia KA BACDI heeshisyadi nabadeenta ee Eriteria — Ethiopia iyo Somalia — Eriteria ee u gadhwadeenka ka yahey ra’iisal wasaare Abiy Ahmed. Taaso beryahan ba la isla dhex maraayey warar sheegeya innu jiro heeshis ka dhexeya seddexda dal ee Somalia- Ethiopia- Eriteria oo bud dhigisu yahey in mar haddi ay heshiyeen Ethiopia iyo Eriteria in ciidamadooda  isku hor fadhiyey mandaqadda Badme in la keeno Somalia si ay shaqo iyo mashquulin ugu noqoto oo ay bedelaan ciidamada fadhiidka ah ee AMISOM, inkasto durtaba la sheegeyo in dad reer Eritrea ah oo  caruur iyo dumar u badan ay aad uga qaxeen Eritrea iyo ka faa’iideysanaya xadka la furey ee Ethiopia taaso ku khasabtey dawladda Eritrea iney xuduudeedi dib u xidhato ( xigasho The reporterethiopia.com/ Confusion at the border). Haddaba, inkasto madaxweyne Farmaajo u ku yimid dareenka shacabka Somalia oy ugu horeyso diidmada ay diidanaayeen faragelinta qaawan ee  Ethiopia ku heyso dalkooda iyo colaadihi taariikhiga ee soo kala dhex marey, ki ugu dambeyeyna u aha  dagaalki 2006 ee Ethiopia iyo maxaakimta oo Mareykanku iyo reer galbeedku dabada ka wadeen ( Proxi war ) aya waxa muuqata in madaxweyne Farmaajo marku waayey kalsonidi shacabka  Somalia ee ku hungoobey wax qabad la’aantisa, innu door bidey innu maciinsado isbaheysigan Ethiopia- Somalia- Eretria, taaso’ ah tubti madaxweynihi hore Cabdillahi Yousuf ( AHUN ). Halku Cabdillahi Yousuf ku dambeyna weynu ka wada dharagsanahey. Waxa marag madoon ah in ciidamada AMISOM ee Somalia soo degey 2007, ku fashilmeen iney soo hooyaan guullo la taaban karo la dagaalanka argagixisada al shabaab, xaalkooduna noqdey qawda maqashi waxna haw qaban iyado la wada ogyahey iney dhibaatada Somalia ka dhigteen mashruuc aan dhamaaneyn madaama askartaasi qaadato lacag kumana kun dolaar  mushahaar ahaan ( dawladahooduna dhaqaale xoog leh ka soo galaan, tusaale Burundi oo shan kun iyo shan boqol oo ciidan u joogaan waxey afarti bilood hesha 18 million oo dolaar ( xigasho AFP ).   Markeynu si qoto dheer u falanqeyno hirdanka siyaasadeed ee geeska Afrika ka socda gaar ahaan na Somalia waxey ku soo urureysa seddex qodob

1-Goobta strategy ay ku taalo oo seddex meelood meel badeecadihi adduunku maro xeebaheeda

2-  Rajada fiican ee sadaasha sahaminta shidaalka xeebaha Somalia

3- Geopolitics mandaqadda oo isbedel weyn ku yimid waxana hormood ka ah isbalaadhinta China ee  xawliga ku socda. Marka la eego asbaabaha kor xusan waxa aad loo tuhunsan yahey in qorshahan cusub ee imaanshaha ciidamada Ethiopia iyo Eretria dalka Somalia  dabada ka riixayaan dawladaha reer galbeed ee mudada kow iyo tobanka sannadood  bixinaayey balaayiinka doolaar si ay Somalia ugu soo dabalaan xasilooni iyo dawlad adag oo gacanta ku heysa xuduudaheeda si ay uga fushaan danahooda.

Eng Bashe Cabdi Gaboobe (Ismail Abdi Abdillahi )

Email :

gaboobe_3@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here