Maxamuud Xaashi Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Guddoomiye Cirro Iyo Dhallinyarada Waddani Oo U Jawaabtay

28
3140

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee madaxtooyada xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa difaacay heshiiska ay la galeen dawlada Imaraadka Carabta, waxa uu wasiirku ku dhaliilay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro nin la saftay Somaliya isla markaasna aan ka quusan doorashadii madaxtooyada ee tartankeedu dhamaaday.

Waxa uu Maxamuud Xaashi sheegay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay diyaar u tahay inay golayaasha hor keento isbadal uu ku sheegey mid kooban oo ku yimi heshiiskii ay ansixiyeen oo ah ku soo biiritaanka Itoobiya.

Maxamuud Xaashi oo warbaahintu ay su’aalo ka waydiisay sida uu arko khiyaamadii qaran ee guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu ku eedeeyay Madaweyne Siilaanyo iyo madaxweynaha haatan Muuse Biixi Waxa uu yidhi “Runtii hadalkii guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, gudoomiyaha xisbiga Waddani anigu waxaan u arkaayay hadal xaqiiqada ka fog oo aan sal iyo raad iyo nuxur ku fadhiyin, waxaan u arkaayay hadal taagwaa, siyaasada marka lagu kala adkaado ee lagu kala sad qaado ee doorashooyinku dhamaadaan hogaamiyayaasha tartamaa siyaabo kala duwan ayay u dhaqmaan, Cabdiraxmaan awalba nagumay cusbayn oo waa uu nagaga soo horjeeday fikradii maalgashiga qarankan, laakiin hadalada mucda leh ee eedaynta intaas leeg oo nagu cusbaa waxaan u arkaayay hadalo uun gagabkii doorashadu iyo dayowgii sabab u yahay, waxaanu shacbiga u cadaynaynaa in aan waxaas waxba ka jirin, qarankan waanu u sahan tagnay madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne Muusana kuwa maanta looga baqaayo inay qarankan khiyaameeyaan iyo kuwo khiyaameeyay iyo kuwo ay taariikhdooda meelna kaga jirto maaha. Axmed Siilaanyana taariikh wanaagsan ayuu siyaasadii ku khatimay iigama baahna difaac saaka, madaxweyne Muusena waa madaxweyne cusub oo afar bilood xafiiska fadhiyay oo waxa ay xisbiyada mucaaradka ah ay hadda ka sheegaan aanay qiimayn sax ah ahayn jid wanaagsan iyo toobiye sanna qaranka hada ku haya, waxaan u arkaayay hadal iska caal waa ah oo dawakhii iyo daan daankii siyaasadu odayga ka keenay. ”

Wasiirka oo la su’aalay waxa uu cadaymo hayo marka la eego hesiiskan Imaaraadka ee la sheegay in Somaliya lug ku lahayd waxa uu yidhi”Cabdiraxmaan cadaymo ma hayn waxa uu xusay hadal siyaabo badan loo turjumi karo oo wasiiru dawluu uu xusay intaa ayuu fagaaraha la yimi, heshiisyadan aanu galnay xukuumadii madaxweyne Siilaanyo ayaa gashay maanu qarsan Cabdiraxmaan dadkaanu u yeedhnay ee aanu talada la wadaagnay ee shirgudoonka ayuu ka mid ahaa, markii danbana golayaashii qarankan ee umada u talinaayay ayaanu hor keenay oo ansixiyay, 69 xildhibana ayaa ansixiyay isaga oo Cabdiraxmaan gudoominaayay, sagaal bilood ayaanu heshiiskaas wadnay oo khubaro ayaanu kaashanay oo aduun yaanu ku bixinay, inaga ayaana DPworld iyo Imaaraadka heshiiskaas la galnay, waxaana cadaynaaya, dariiqii sharci ee aanu marnay ee dalka dhexdiisa,mida labaadna waxa weeye madaxweynii hore ee Somaliya Xasan Sheekh waxa uu cadeeyay in aan Somaliland ka martiyin heshiisyadaa imaaraadkuna ka martiyin, waxa shalay hadlaayay wasiirkii arimaha dibada ee Somaliya oo sheegayay in aan heshiisyadaas dawlada fadaraalka Somaliya ansixin dawlada Imaaraadkna aanay ka wada hadlin, waxa raga aad is haysaan ay kuu qiraan isaga ayaa markhaati ku filan.”

Dhalinyarada Waddani

Gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Sidiiq Dhame ayaa jawaab ka bixiyay eedaha uu Maxamuud Xaashi u jeediyay guddoomiye cirro.

Gudoomiye Maxamed Sidiiq oo ka hadlayey shir jaraa,id oo garabka dhalinyarada xisbigaasi ku qabteen Hargeysa ayaa sheegay in xukuumadaha Kulmiye ay qiime rid ku sameeyeen dawladnimada somaliland, waxaanu isagoo u jawaabaya Maxamuud Xaashi uu yidhi “Maxamuud Xaashi waa masuulka kaliya ee lagu hayo musuq maasuq cadaana ee waliba loo hayo cadaymo, waana masuulka kaliya ee  musuqiisu gaadhay heer aan la xadayn Karin oo aan la garanayn inta uu leeg yahay.”

Gudoomiye Dhamme, wuxuu intaas raaciyay “Xukuumadii Siilaanyo waxay qaranka u bahalo galisay heshiis aan dheef lahayn oo ay ka faa,iidayaan afar qof, waxaanu heshiiskaasi ahaa mid ay saxeexday dawlada Soomaaliya sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada Imaaraadka, xog ahaana xisbiga Waddani intaaba waxa uu ka qaylinayey mad madawga maanta inuu maruun soo bixi doono.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here