Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Hankiisa KULMIYE

0
1726

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa gacantii midig ee Axmed-siilaanyo, ayaa ka hadlay hankiisa xisbiga KULMIYE.

Mr. Xaashi oo hadal ka jeediyay shirka golaha dhexe ee Boorama, wuxuu sheegay inuu hankiisa la sugayo marka ay wakhtigeeda gaadho maadaama oo shirkan golaha dhexe ku koobanyahay ansixinta jagaooyin banaanaaday oo la buuxiyay. Xaashi wuxuu yidhi  ‘ Siyaasiyiinta degan ama xigmadda u saaxiibka ahi ma qariyaan hankooda iyo hilinka ay u marayaan,sidoo kalana waxa ay yaqaanaan hoos walba hadalka ku haboon, sidaas awgeed shirkan golaha dhexe sida qorshaysan lagu dooran maayo hogaanka sare ee xisbiga se’ waxa la qabyo tirayaa meelo yar-yar oo banaanaa ama aan gole dhexe ansixin anniga iyo ujeedadayda xisbigana “xaya-cala-salaah iyo hadeeda”.

Isagoo ka hadlaya siyaasiyiinta aan helin xubinimada golaha dhexe ee kulmiye, wuxuu yidhi “Siyaasiyiinta kamid ka ahaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee aan nasiibka u helin inay maanta ka soo qayb-galaan shirkan, ama ba’se aan helin kaadhka golaha dhexe waxaan jecelahay inaan cadeeyo in aan ujeedo gaara oo looga gol-leeyahay jirin, anniguba kuma jirin golaha dhexe laakiin boos banaan ayaan galay, wasiir Xagla-toosiye qudhiisu kuma jirin golaha dhexe balse nin baneeyay ayuu booskiisa galay, sidaas awgeed ma jirto faquuq u gaara siyaasiyiintaas aan helin kaadhka golaha dhexe hadii iyaga la cadaadinayo ama cidi faquuqaysana waan ka gil-gilan lahaa laakiin xisbigu xurmo iyo xaqdhawr iyo abaal-dahabi ah ayuu u hayaa siyaasiyiintaasi miisaanka ku leh bulshadda.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here