Maxamuud Cabdillaahi Xarbi Oo Iska Casilay Xisbiga KULMIYE, Kuna Biiray Waddani

0
943

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye-xigeenkii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladda Md. Maxamuud Cabdillaahi Xarbi ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay xisbiga KULMIYE oo uu ku biiray xisbiga Waddani ee mucaaradka ah.

Md. Xarbi oo ka mid ahaa raggii xisbiga KULMIYE la aasaasay madaxweyne Siilaanyo, wuxuu xisbiga Waddani ku tilmaamay mid la isugu wada tagay oo qaranka badbaadin kara “Laga bilaabo 7 Oktoobar waan ka baxay KULMIYE, golihiisii dhexe, ergaynimadiis, xubinimadiisii.” ayuu yidhi Xarbi oo intaas raaciyay “aasaaskii KULMIYE, Guddi yar oo ku meelgaadh ah oo uu imika igala fadhiyo Cabdi Haybe ayaa iiga horeeyay xisbiga, sidii aan buugga ugu qorayay dadka xisbiga anoo maraya nambarka 73 ayaan is arkay inaan ka maqanahay oon is qoray, waxaan ka mid noqday gudigii fulinta ee u horaysay, waxaan ka mdi noqday golihii dhexe ee aasaasay xisbiga, waxaan ka mid noqday shirweynihii u dambeeyay ergooyinkiisii.” ayuu yidhi Xarbi oo KULMIYE ku eedeeyay in xataa loo ogolaan waayay inuu ku sii shaqayso mishiin yar oo uu ku samayn jiray kaadhadhka aqoonsi ee xisbiga,  “Haybad kale iyo aqoonsi kale midna kamaan helin, waxaabay noqotay in intiiba aan ka waayo oo la yidhaahdo xubinimadaas keli ah ahoow. Xisbiga waddani ee qaranku isugu tagay ee aan qabiilka lahayn ee loo wada simanyahay ee cadaaladda ku dhisan ayaan anigu ku biiray laga bilaabo maanta.”

Maxamuud Cabdillaahi Xarbi wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ku sifeeyay qof wanaagsan oo dalka wax badan u qabtay, balse la hoos dhigay khaladaad badan, waxaanu hawada u mariyay cafis iyo niyad wanaag.

Maxamuud, ayaa hore u ahaa madaxa maamulka iyo shaqaalaha ee madaxtooyada, markii dambena wuxuu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay guddoomiye-xigeenka hay’adda shaqaalaha oo dhawaan uu xilkaasna ka qaaday, waxaanu Xarbi muddo dheer ahaa agaasimaha xarunta xisbiga KULMIYE waagii dheeraa ee uu madaxweyne Siilaanyo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ah.