Maxamuud Cabdi Xasan (Govindhe) Oo Hambalyeeyey Hogaanka Cusub Ee Xidhiidhka Kubada Cagta JSL

Published on Jul 30 2016 // Ciyaaro, Columnists

hhMaxamuud Cabdi Xassan (Govindhe), oo kamid ah laacibiinta ugu magaca wayn ciyaar yahanada wadanka ayaa hambalyo u diray hogaamka cusub ee khamiistii loo doortay xidhiidhka kubada cagta jamhuuriyada Somaliland, xidigan ayaana Hambalyo u diray  Guddoomiyaha cusub Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi Dixood, iyo ku-xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Cilmi

Govindhe oo ah laacib ka tirsan xulka qaranka Somaliland, Kooxda Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Xulka Gobolka M/jeex, waxa uu sidoo kale sheegay in isaga iyo dhamaan ciyaartoyga Somaliland ay ka sugayaan wax qabad muuqda, horumar iyo rajo dhinaca ciyaaraha ah.

Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay gudoomiyaha cusub ee xidhiidhka ciyaaraha fudud mr. Maxamed Amin cabid Cilmi inuu ku dadaalo sidii uu dardar galin lahaa hawlaha xidhiidhka kubada cagta JSL iyo sidoo kale tartamada gudaha wadanka.

Sidoo kale laacibkan ayaa u rajeeeyey nasiib wanaagsan, xilka loo magacaabay ee xidhiidhka, isagoo ku waaniyey inay xidhiidhka kubada cagta ka madax banaanaysiiyaan wasaarada ciyaaraha, kana feejignaadaan in hawlaha wax qabad ee loo doortay ku dhex milmaan siyaasada iyo arimo mashquul galiya.

Mudo dheer kadib waxaa maalintii khamiistii xidhiidhka kubadda cagta Somaliland  loo doortay hogaan cusub oo maamuli doona 4 sanno ee soo socda, waxaana Guddoomiyaha loo doortay Maxamed-Amiin Cabdi Cilmi Dixood, halka ku-xigeenkiisana loo doortay Cabdicasiis Maxamed Cilmi, waxaana dhamaan dhalinyarada Somaliland iyo bahda Sportsku ka warsugayaan waxqabadka hogaankani cusub.

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!