Maxamed Muuse Cawaale Oo Ku Taliyay In La Xoojiyo Hay’adda Ka Hortagga Masiibooyinka

0
639

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha haayada cilmibaadhista deegaanka iyo u diyaargarowga dhibaatooyinka dabiiciga ah Maxamed Muuse Cawaale, ayaa daboolka ka qaaday in wakhtigan si weyn loogu baahan yahay in Somaliland ay xoojiso haayadan ka hortaga dhibaatooyinka dabiiciga ah.

Waxa uu guddoomiyahu sheegay in haayadani ay baahi u qabto shaqaale xirfad yahan ah iyo dhaqaalaheeda oo kor  loo qaado, si ay kaalin muhiim ah uga qaadan karto dhibaatooyinka dabiiciga ah ee soo foodsaara dalka. sida oo kale guddoomiye Maxamed Muuse waxa uu ka hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya gudida abaaraha ee madaxweynuhu uu magacaabay.

Waxa uu guddoomiye Maxamd Muuse arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay guddida abaaraha ee uu madaxweynuhu magacaabay uu yidhi "Gudida waxa sameeyay madaxweynaha oo waa sharci waana ku meelgaadh, waxay loo sameeyay inay lacagta soo ururiyaan oo wadaadadu misaajidada ka khudbadeeyaan,ganacsatadii ay wax ka soo ururiyaan oo wadanka ay gaadhsiiyaan, dadka qaarkii ayaa yidhaahda waxbaa la waayay aniguse wax aan yidhaahdaa shaqo badan ayaa ku dhacday nimankaas, wayna isku dayeen inay wax hagaajiyaan se shaqadani waa mid adag, waxa laga yaabaa hada tuuladii ay wax geeyeen inay tilifishanka hadana taagan yihiin oo ay qaylinayaan, waxa jira nin meelmadaxka ahaa oo waxii loo diray oo la waayayba."

Maxamed Muuse oo ka hadlaayay shaqada haayada cilmibaadhista deegaanka iyo u diyaargarowga dhibaatooyinka dabiiciga ah waxa uu yidhi"haayada shaqadeedu waa inay u diyaargarowdo oo ay dhibaatadana wax ka qabato oo ay dawladii u sheegto arimaha jira oo ay tidhaahdo waa inaynu wax ka qabano, ilaa hada waxay dawladu ku diidayna ma jirto oo waxii ay haysayba galisay, laakiin hadaan ku idhaahdo wax waliba tamaam ayay noqdeen may noqon, waxa laga yaabaa in meelaha qaarkood oo aan kharash looga baahnayan in la isticmaalo oo waxa ka mid ah waxan oo gaadiid ah oo cararaaya shidaalna qaadanaaya waan yarayn lahaa."

Guddoomiyaha oo wargeysku uu wax ka waydiiyay dhibaatooyinka roobabku ay keensan karaa waxa uu yidhi"Haddii tobanka casho ee soo socda uu roobku inoo da'o, waa in la wado raashinkii iyo nolashii dadka hadii kale waa ay madhanayaan oo waxa isugu darsamaya dhaxan,roob iyo aqalkoo ka duma iyo daadad,markaas roobkuna tiisa ayuu wataa, markaas waxay noqonaysaa in mudo dadka inta la ururiyo la siiyo waxii ay cuni lahaayeen."

Ugu danbayntii Maxamed Muuse Caawale oo aanu waydiinay sida uu u arko xalka wax ka qabashada dhibaatooyinka dabiiciga ah waxa uu yidhi"waa in sharcigii u diyaargarowga dhibaatooyinka ay abaaraha iyo dabeecadu keeneen in sidiisii loo fuliyo, oo haayadan la dhisaa, oo laga xoojiyaa dhanka shaqaalaha, hadaan la helin shaqaale wax garanaaya ma soconayso shaqadu, markaas waa in haayadii dhanka maaliyada iyo shaqaalahaba laga xoojiyaa."