Maxamed Mursi Oo Shacabka Masar Ugu Baaqay Inay Sii Wadaan Kacdoonada

0
639

Picture2Madaxweynihii xilka laga tuuray Maxamed Morsi ayaa Sabtidii shalay  lasoo taagay maxkamada magaalada Qaahira.

Morsi ayaa maxkamada loo soo taagay danbiyo la xidhiidha inuu ka baxsaday Xabsiga xiligii kacdoonkii lagu riday Xusni Mubarik, waxaan sidoo kale maxkamada lala soo taagay 130 qof oo eedaysanayaal ah.

Waxaa maxkamadii 4aad oo lasoo taago hogaamiyihii hore, wuxuuna ku dhawaaqayey xiligii maxkamada la keenay erayo lagu dhiiri gelinayo in shacabka ay sii wadaan kacdoonkooda looga soo horjeedo afgembigii ay ciidamada Militariga ku inqilaabeen dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa.“..Kacdoonku joogsan maayo waxaana ugu baaqayaa shacabka inay sii wadaan kacdoonkooda nabadeed….” ayuu yidhi Maxamed Morsi xili uu ku sugnaa maxkamada.

Dhageysiga maxkamadan ayaa markale dib loogu dhigay illaa 24ka bishan.

Geesta kale, kacdoonada ay Ikhwaanku ka wadaan wadanka Masar, ayaa wuxuu halis geliyay guud ahaan dhaqaalaha iyo siyaasadda wadanka. Ra'iisalwasaaraha Masar Xaazim Beblaawi ayaa sheegay in kooxaha Islaamiga ee hubaysan ee Jasiiradda Sinai ay halis ku yihiin dalxiisayaasha dalkaas.

Mas'uuliyiinta dalkaas ayaa sheegay inay dhab u qaadanayaan digniin ay soo jeedisay kooxda Ansar Bayt Al-Maqdis oo ah in dalxiisayaasha ay dalkaas ka baxaan. Digniintan ayaa lagu soo qoray bog Twitter ah oo la sheegaya in uu xidhiidh la leeyahay kooxdaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Dalxiiska ayaa muhiim u ah dhaqaalaha dalka Masar.

Dowladda Masar ayaa isku dayaysa inay wax ka qabato kooxaha hubaysan ee ku soo kordhaya Jasiiradda Sinai.

Afhayeen u hadlay safaaradda Masar ee London ayaa sheegay in dowladda ay qaadayso tallaabooyin ay ku sugayso ammaanka dadka ajnebiga ee dalxiisayaasha ah.

Kooxdan Ansar Bayt al-Maqdis ayaa beenisay inay adeegsadeen baraha bulshada, balse Reuters waxay sheegaysaa in isla bartan hore loogu soo qoray arrimaha kooxdan.

Kooxdan ayaa warbixin rasmi ah ku sheegtay inay mas'uul ka tahay qarax lala beegsaday baabuur waday dad dalxiisayaal ah oo ay ku dhinteen saddex ruux.

Weerarrada ka dhanka ah dowladda ay militerigu taageeraan ayaa sare u kacay tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamad Mursi.