Maxamed Cali Kalaay: Horyaalkii Feedhka Iyo Haldoorkii Muslimiinta USA Kamaal A. Cali…(Qaybta 3aad)

0
508

Ciyaartii indhaha dunida oo dhan ku soo jeedisay Maxamed Cali Kalaay:

1

Inkasta oo Maxamed Cali Kalaay dhammaan ciyaarihii feedhka ee uu ciyaaray ay ahaayeen kuwo xiise gaar ah lahaa, warbaahinta iyo dadka feedhka xiiseeyaana muddo faallayntooda sii wadi jireen, gaar ahaan ciyaarihii uu badiyey oo sida aynu hore u soo xusnay ahaa dhammaan 61 ciyaarood oo marka shan ciyaarood laga reebo uu dhammaantood isaga guushu raacday. Waxaa si gaar ah indhaha dadka u soo jiitay ciyaarihii 37 ka ahaa ee uu feedhka miisaanka leh mar keliya dhulka ugu tuuray ragga ay iska soo horjeedaan, laakiin haddana ciyaaruhu kala mudan ee dadka ka faallooda arrimaha ciyaaraha iyo khubarada naqdiga ciyaaraha Feedhkuba waxa ay isku waafaqeen in ciyaartii uu 1974kii la feedhtamay George Foreman ay ahayd ciyaarta ugu quruxda badan ee Maxamed Cali. Warbaahinta arrimaha ciyaaraha ee dunida oo dhan ayaa doorbiday in ciyaartaas ay ku magacaabaan ‘Iska Hor imaadkii ciyaareed ee laba qof dhex mara, ee abid ugu muhiimsanaa’ ciyaartan dunida ka yaabisay waxa uu Maxamed Cali Kalaay isticmaalay xeelad uu ku daaliyey feedhyahanka ka soo horjeeday, kadibna wareeggii siddeedaad oo uu hubiyey in uu aad u daalay, uu mar keliya kaga yaabiyey feedhadh daran-doorri ah, oo xawaare yaab leh ku socda, si degdeg ahna dhinaca xadhiga ugu riixay feedhayahan George Foreman.

Waxaa la sheegaa in Forman uu u haystay in uu aad u jilciyey Maxamed sidaa awgeed waxa uu sugayeyba waxa uu ahaa uun in uu dhulka ugu tuuro ama is dhiibo Maxamed. Weliba si guusha uu u soo dedejisto waxa uu isticmaalayey dhaqan fool xun oo ah in inta uu aad hoosta uga galo Maxamed Cali Kalaay in uu si xanshaashaq ah ugu yidhaahdo ereyo aflagaaddo iyo yasid ah, isaga oo doonaya in uu ka cadhaysiiyo kadibna cadhadaasi ay ka lumiso degenaanshiyaha iyo ka fikiridda feedhka uu ku dhufanayo miisaankiisa iyo liishaan sanaantiisaba, waana farsamo Forman lagu yaqaannay in uu ka cadhaysiiyo feedhyahanka ka soo horjeeda. Laakin waxaa soo baxday in Maxamed Cali uu si badheedh ah isu dabciyey isaga oo iska ilaalinaya nabarrada waaweyn, si uu u daalo Foreman, isna inta uu si miisaaman uga fikiray feedhka munaasabka ku ah iyo meelaha ugu nugul ee uu kala beegsan karo mar keliya weerar adag ku soo qaado.

Foreman waxa uu markiiba ku daandaamay feedhadhkan aanu filayn waxa aanu u tukhaan-tukhay dhinaca xadhiga, illaa aakhirkii uu noqday waxa ay khubarada feedhtanku ku magacaabeen aalad ciyaareed ku jirta labada gacmood ee Maxamed Cali Kalaay, ugu dambayntiina Foreman waxa uu dumay isaga oo aanay ku jirin awood dambe oo uu kor ugu soo kacaa. Ciyaartaas feedhadhka Maxamed Cali waxa ay khubarada feedhku ku tilmaameen, “Feedhadh taxane ah oo ah kuwii ugu quruxda badnaa ee abid lagu arko dunida feedhtanka”

Feedhtankaas uu Maxamed Cali Kalaay kaga adkaaday Foreman oo uu ku helay abaalmarin lacageed oo dhan Shan Milyan oo Doolarka Maryakanka ah, ayaa la aaminsan yahay in lacagta markii dambe ka soo baxday daawashada feedhtankaasi ay kor u dhaaftay 25 Milyan oo doolar, waxa aanay illaa maanta ka mid tahay ciyaaraha loogu daawashada badan yahay. Waxa aanu wargeyska Geeska Afrika helay in qofka xiisaynaya ciyaartaas yaabka lahayd uu ka heli karo barta Youtube kai saga oo ku baadhaya qoraalka ah “ali foreman” ama iyada oo dhamaystiran daawashadeeda halkan ka hel https://www.youtube.com/watch?v=55AasOJZzDE.

Nolosha qoysnimo ee Maxamed Cali Kalaay:

Marka aynu milicsano dhinaca nolosha qoysnimo ee Maxamed Cali Kalaay, ubadka uu ifka kaga tegey waa 9 carruur ah oo Toddoba ka mid ahi ay hablo yihiin, labada soo hadhayna wiilal.

Afar jeer ayaa uu guursaday, xaaskiisii koowaad waxa ay u dhashay wiil iyo saddex hablood, xaaskiisa labaad waxa ay u dhashay laba hablood, sidoo kale waxa uu leeyahay laba hablood oo la sheegay in xaalad guurka ka baxsan uu ku dhalay. Kuwaas oo kala ah, Miyaa oo dhalatay sannadkii 1972kii iyo Khaaliyah oo laba sano ka yarayd, sidoo kale waxa uu dhalay wiil lagu magacaabo Ascad Amiin oo aanu dhalin laakin uu korsaday sifo sharci ahna dawladda uga diiwaangeliyey in uu dhalay. Maxamed Cali Kalaay hadda waxa uu ka tegey hal xaas oo ah Yolanda Williams, oo caan ku ah magaca Lony, gabadhan oo ay Maxamed Cali is yaqaanneen illaa markii uu 6 jirka ahaa, markii uu guursaday waxa ay ka yarayd da’diisa 15 sano, sidiisa ayaanay diinta Islaamka qaadatay oo waa muslimad.

Maxamed Cali Kalaay, gabadhii ugu horreysay ee uu gurusaday waxaa lagu magacaabi jiray Sonji Roi, oo markii uu guursaday ku shaqaysan jirtay mudalabnimo. Sonji markaas ay is barteen Maxamed Cali Kalaay, oo ahayd sannadkii 1964kii, waxa ay ka shaqayn jirtay baar lagu iibiyo khamriga, oo ay ka ahayd mudalabka dadka u keena. Sida uu ku warramay talefishanka Al-Carabiya oo Geeska Afrika qaybo qormadan ka mid ah ka soo qaatay, Sonji wax ubad ah uma ay dhalin Maxamed, waxa aanay kala tageen 17 bilood kadib.

Arrinta xiisaha leh ee aad looga warramaa waa sababta ay Maxamed ku kala tageen gabadhan oo ahayd dhinaca diinta. In kasta oo ay marka hore isku barteen baar lagu iibiyo khamriga, Maxamed na xilligaas uu ahaa kiristaan haysta Mad-habta Orthodox ka, markii dambe waa uu muslimay, sidaa awgeed waxa uu jeclaystay in xaaskiisuna ay qaadato diinta Islaamka. Laakiin Sonji waa ay diidday oo xitaa aakhirkii waxa ay ka diidday dalabkiisii ugu hooseeyey oo ahaa bal in ay sida muslimiinta uun u labbisato, sababtaas oo keentay in ay kala tagaan iyaga oo aan weli wax ubad ah isu dhalin.

Guurkii Maxamed Cali iyo gabadhii 17 jirka ahayd:

Sannadkii 1967kii ayaa uu mar kale Maxamed Cali Kalaay guursaday Belinda Boyd, waxa ay ahayd 17 sano jir, waxa aanay rumaysay diinta Islaamka, iyada oo magaceedana u beddeshay Khaliilah oo lagu daray magaciisa labaad. Khaliilah Cali oo ku takhasustay dagaalka Kaarateega marar badanna qaadatay suumamka horyaalnimada, markii dambana noqotay jilaa filimada Maraykanka ah, waxa ay Maxamed Cali isu dhaleen, afar carruur ah oo kala ahaa Maryam oo curaddiisa ah, laba mataan oo kala ah Rashiida iyo Jamiilah iyo weliba wiilka keliya ee uu Maxamed Cali dhalay oo isagana lagu magacaabo Maxamed Caliga yar.

Mar kale oo ahayd sannadkii 1975kii ayaa ay Maxamed Cali is barteen haweenay Feroonika Boorsh (Veronica Porsche) oo ah jilaa filimada metesha iyo sidoo kale qolyaha dharka xayeysiiya. Maxamed Cali Kalaay iyo Feroonika Boorsh waxaa dhex maray xidhiidh adag iyo qiso jacayl oo aad u dheeraatay, aakhirkiina gaadhay in uu Maxamed Cali Kalaay furo xaaskiisii afarta carruur ah u dhashay ee Khaliilah, bilowgii 1977kii ayaanu guursaday Feroonika Boorsh oo u dhashay laba hablood oo uu u kala bixiyey Hana iyo Layla oo iyadu noqotay gabadha illaaa hadda ugu caansan ubadka uu dhalay Maxamed Cali Kalaay. La soco…