Maxamed Cali Kalaay: Horyaalkii Feedhka Iyo Haldoorkii Muslimiinta USA Kamaal A. Cali…(Qaybta 2aad)

0
514

1Maxamed Cali oo sii wada diidmadiisii tegitaanka dagaalka Maraykanku ka waday Vietnam waxa uu yidhi, “Ma’ Tegeyao, dhul 10 kun oo Mayl dalkayga u jira, si aan u caawiyo gumaadka iyo gubidda ummad kale oo masaakin ah, iyada oo aan u socdo keliya in aan kor yeelo saldanadda iyo sarraynta dadka ninka cad ee u ordaya in uu madowga dunida oo dhan adoonsado. Maanta, waa maalintii sharkaas dhammaan lahaa. Dad baa iiga digay in go’aankaas diidmada dagaalka ahi uu igu keeni karo khasaare lacageed oo Malaayiin doolar ah. laakiin hadalkaygu waa mar uun, mar kalana isla go’aankaas ayaa aan ku celinayaa.  Cadowga runta ah ee dadkaygu, halkan (Maraykan gudihiisa) ayaa uu jooga. Diintayda meel kaga dhiici maayo, naftayda iyo dadkaygana meel kaga dhici maayo oo noqon maayo aalad lagu addoonsado dadkaas u halgamaya in ay caddaaladdii ay xaqa u lahaayeen helaan, in ay xorriyad iyo sinnaan helaan.

Haddii aan aaminsanaan lahaa in dagaalka Maraykan ee Vietnam uu xorriyad iyo sinnaan u horseedayo 22 ka Milyan ee dadkayga ah, xaaladduba ma’ay gaadheen in dacwad diidmada shaqada qaranka ah la igu soo oogo, oo aniga ayaa berrba iskay u tegeya faranta.

Waxba ku waayi maayo in aan ku adkaysto waxa aan aaminsanahay. Sidaa awgeed jeelka ayaa aan doortay. Maxaa ku jaban jeel? Afartii boqol oo sano ayaanu ku jirnay nolol nolol jeel iska ah”

Ugu dambayntii Maxamed Cali Kalaay sannadkii 1971kii oo ahayd Afar sano kadib ayaa uu maxkamadda Racfaanka ku guulaystay, kadib markii ay maxkamaddu u ogolaatay in damiirkiisu u diidi karo shaqada qaranka.

Markaa kadib ayaa uu Maxamed Cali Kalaay dib u bilaabay feedhtankii oo uu qaataty laba jeer oo kala ahaa 1974 kii iyo 1978kii.

Muslimiddii:

Sannadkii 1975kii ayaa uu Maxamed Cali Kalaay ku qancay diinta xaqa ah ee Islaamka waxa aanu noqday Muslim sunni ah, isaga oo ka guuray magaciisii hore ee Cassius Marcellus Clay oo qaatay magaca Maxamed Cali Kalaay, waxa aana la sheego in sannadkii 2005 uu u baydhay dhinaca Suufiyadda.

Isbeddelkan dhinaca diinta ee Maxamed Cali waxaa sababtiisa ugu weyn lahaa saaxiibkii Malcolm X oo ahaa daacigii ugu caansanaa Muslimiinta Maraykanka.

Dhacdooyinka xiisaha leh ee soo maray Maxamed Cali Kalaay waxaa ka mid ah in  uu dawladda Maraykan ka diiday in magaciisa lagu qoro jidka lagu magacaabo jidka dadka caanka ah ee Hollywood, oo ay ku qoran yihiin magacyo dunida caan ka ah, laakiin isagu waxa uu shardi ka dhigay in magaca aan dhulka lagu qorin ee gidaarka lagu qoro iyada oo la ixtiraamayo magaca Maxamed oo ah magacii Nebiga Muxammed (SCW), arrintaas oo uu maamulku u hoggaansamay, sidaasna uu ku noqday magaca keliya ee gidaarka ku qoran.

Xanuunkii:

Sannadkii 1984kii ayaa Maxamed Cali Kalaay uu ku dhacay cudurka gargariirka ee afka caafimaadka lagu yidhaahdo Parkinson iyada oo loogu magac daray saynisyahankii ugu horreeyey ee helay cudurkan. Dadka aad u xog-ogaalka ugu sii ahaa Maxamed Cali Kalay waxa ay sheegaan in caalamadaha cudurkan uu isku arkay waqti hore oo ahaa sannadkii 1981kii laakiin markani ay ahayd markii si rasmi ah dhakhaatiirtu ugu shaybaadheen.

In kasta oo uu yahay cudur aan dawo rasmi ah lahayn, isla markaana khatartiisu badan tahay si weynna u dhaawaca maskaxda iyo qaybo badan oo jidhka ka mid ah, isla markaana keena Gariir gaadhi kara heer uu qofku jidhkiisa oo dhan xakamayn kari waayo, 

haddana Maxamed Cali Kalay oo ahaa nin aad u Iimaan badan, hal adaygna lagu yaqaannaa waxa uu go’aansaday 

in aanu isu dhiibin xaaladdan ku soo cusboonaatay.

Maxamed in kasta oo uu feedhka ka nastay sannadkii 1981kii haddana bulshada kama uu dhex bixin, gaar ahaan dhinacyada samofalka, waxa aanu ku guulaystay biladda ‘Xorriyadda’ loo yaqaanno ee dalka Maraykanka oo uu ku kasbaday kaalinta uu ka qaato hawlaha samofalka, sidoo kale urur gacan siiya hawlaha Qaramada Midoobey ayaa ku sharafay abaal marinta ‘Hoggaaminta’ oo uu ku mutaystay kaalinta hormoodka ah ee uu ka qaadan jiray arrimaha bani’aadamnimada.

Afhayeenka u hadlay qoysku waxa uu sheegay in horyaalkii feedhka culus ee dunida Maxamed Cali, ay ku dhacdo soo booddo dhinaca neefsiga ah oo sababtay cadaadiska  wareegga dhiiggiisu si aad ah hoos ugu dhaco. In kasta oo afhayeenku uu sheegay in arrintan sababteedu ay dabiici ahayd, haddana faahfaahin intaas ka badan kama uu bixin.

Inantiiisa:

Dhinaca kalana gabadh kamid ah carruurta uu ka tegey Maxamed Cali ayaa sheegtay La Soco…………