Maxamed Cali Kalaay: Horyaalkii Feedhka Iyo Haldoorkii Muslimiinta Maraykan Kamaal A. Cali…(Qaybta 1aad)

0
545

Washington (Geeska)- Waxaa arooryadii hore ee sabtidii shalay 3da Juun dalka Maraykanka ku geeriyooday Alle ha u naxariisto ee faadhyahankii caalamiga ahaa ee Maxamed Cali Kalaay, kadib markii uu sii wadi kari waayey neefsiga, xaalad ka dhalatay cudurka Parkinson oo uu 32 sano la soo tacaalayey, muddooyinkan u dambeeyeyna u yaalla cisbitaal ku yaalla magaalada Phoenix ee gobolka Arizona, dalka Maraykanka. Afhayeen u hadlay qoyska oo lagu magacaabo Bob Gunnell ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey dhimashada Maxamed Cali oo saddex jeer noqday horyaalka feedhka miisaanka culus, waxa aanu sheegay in jinaasadiisa lagu qaban doono magaalada Louisville ee gobolka Kentucky oo uu 74 sano ka hor ku dhashay Marxuumku.

1

Maxamed Cali Kalaay oo lagu tilmaamo feedhyahanka ugu magaca weynaa uguna horreeyey qarnigii labaatanaad oo dhan, oo markii aragtidiisa ugu dambaysay ay ahayd bishii Afaraad ee sannadkan mar uu ka qayb galayey munaasabad qaadhaan loogu ururinayey xarun lagu daweeyo cudurka Parkinson ee gariirka xubnaha keena, ayaa in kasta oo xilligaas daal iyo diif badan oo xanuun ka muuqatay, haddana waxa ay dad badani u arkeen in soo bixiddiisaasi ay astaan u tahay in uu caafimaadkiisu ka soo raynayo.

Maxamed Cali Kalaay oo ahaa shakhsiyad caalamiya, balse dadka Maraykan ee Muslimiinta ah xanuunka geeridiisu si gaar ah u damqi doono, maadaama oo uu ahaa shakhsi wax badan ka taray fahamka ay Maraykanka aan muslimka ahayni ka haystaan Islaamka, ayaa la filayaa in jinaasadiisu ay kulmiso dad aad u badan, oo isugu jira taageerayaashiisa Feedhka, muslimiinta Maraykanka iyo dadyow kale oo caalamiya.

Horyaalka Feedhka:

Maxamed Cali Kalaay waxa uu ahaa feedhyahanka dunida soo maray abid ee feedhkiisu ugu dhaqsiiyaha badnaa dhinaca darandoorriga, uguna miisaanka weynaa, iyada oo culayska feedhkiisu ahaa 907 Kiiloogaraam. Sannadkii 1964kii ayaa uu Maxamed Cali Kalaay ku guulaystay suunkii ugu horreeyey ee horyaalnimada Feedhka, intii uu ciyaaraha feedhka ku jirayna waxa uu ku guulaystay 56 ciyaarood oo 37 ka mid ah uu feedhkii koowaadba feedhyahankii ay iska soo horjeedeen dhulka ugu tuuray darbad uu dib uga soo kici kari waayey.

Maxamed Cali Kalay weligii Shan jeer ayaa laga badiyey, waxa aanu sannadkii 1999kii ku guulaystay in loo aqoonsado Feedhayahanka qarnigii 20naad.

Isbedelladii noloshiisa ugu muhiimsanaa:

Diidmadii dagaalka Vietnam:

Maxamed Cali Kalaay Kontonkii sano ee noloshiisa ugu horreeyey waxa uu soo maray, isbedello nololeed oo badan, iyo duruufo kakan oo mararka qaarkood ku sigtay in ay magaciisa taariikhda ka reebaan. Waxa aynu ka xusi karnaa qisadiisii caanka ahayd ee go’aankii uu ka qaatay ka qaybgalka dagaalkii Maraykanka ee Vietnam.

Sannadkii 1967kii oo ahayd saddex sano uun kadib markii uu ku guulaystay horyaalnimada feedhka culus, ayaa uu Maxamed Cali Kalaay si caddaan ah u diiday Shaqadii Qaranka (In uu ka mid noqdo milateriga, oo sharci ahaan qasab ku ah muwaadin kasta), waxa uu sheegay in diintiisa, damiirkiisa iyo weliba mawqifkiisa siyaasiga ah ee ku aaddan dagaalka Maraykan ka wado Vietnam awgeed aanu dagaalkaas u gelayn. Arrintaas oo aad uga cadhaysiisay dawladda Maraykanka oo ka cabsi qabtay in maadaama oo uu shakhsi caan ah yahay, diidmadiisani horseeddo in dad badani ku daydaan ayaa sababtay in dacwad maxkamadeed lagu soo oogo, waxa aanay aakhirkii ku dhammaatay in lagu qaado xeer-ciqaabeedka ka yaalla muwaadinka diida Shaqada Qaranka. Maxamed Cali Kalaay waxaa la xukumay in laga xayuubiyo horyaalnimada feedhka culus. Laakiin xukunkaas adag oo uu Maxamed Cali Kalaay racfaan ka qaatay waxba kama uu beddelin go’aankiisii, balse waa uu ku sii dhegey oo weliba uu bilaabay in uu fagaarayaal ka jeediyo dhaliisha dagaalkaas iyo ka qaybgal la’aantiisa, hadalllada taariikhda galay ee uu ka yidhina waxaa ka mid ahaa, “Maxaa ay ii weydiisanayaan in aan dirayska ciidamada xidho oo aan tago dhul dalkayga u jira 10 kun oo Mayl, kadibna aan bambooyin iyo rasaas la soo dhaco dad maarriin ah oo jooga dhulkoodii Vietnam, iyada oo aan ogahay in dadka loo bixiyey Nigarooga ee ku noola magaalada aan u dhashay ee Louisville loola dhaqmo sida eyda, loona diiday inta ugu yare e ah xuquuqdii bani’aadamnimo ee ay lahaayeen.

Ma’ Tegeyo, dhul 10 kun oo Mayl dalkayga u jira, si aan u caawiyo gumaadka iyo gubidda ummad kale oo masaakin ah, iyada oo aan u socdo keliya in aan kor yeelo saldanadda iyo sarraynta ninka cad ee u ordaya in uu madowga dunida oo dhan adoonsado. Maanta, waa maalintii sharkaasi dhammaan lahaa. Dad baa iiga digay in go’aankaas diidmada dagaalka ahi uu igu keeni karo khasaare lacageed oo Malaayiin doolar ah. laakiin anigu hadalka mar ayuun baa aan idhaahdaa, La soco……