Maxakamadda Gobalka Maroodijex Oo Muddaysay Dacwad Ka Dhan Ah Wargeyska FOORE

0
491

Hargeysa- Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa Muddaysay Dacwad ciqaab ah oo Madaxtooyadu dabada ka riixayso oo lagu soo oogayo Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE, Wakhti Guddoomiyaha Wargeyska FOORE damaanad dibadda ku joogo kadib xadhigii dhawaan loo gaystay

1

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamaddaasi Mudane Garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil oo warbaahintu heshay laguna socodsiiyey Taliyaha Qaybta Baadhista Dambiyada (C.I,D), Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo isagu ahaa masuulka Damiintay Guddoomiyaha FOORE, ayay maxkamaddu ku muddaysay Maalinimada Isniinta ee Bishan June tahay 13-ka in fadhiga koowaad ee dacwaddaasi bilaabmi doonto

Waxa xusid mudan in Dacwaddan Wargeyska FOORE lagu soo oogayo maxkamaddu ku sheegtay in ay tahay dacwad ciqaab ah oo loo cuskanayo qodobada 328, 71, 215, 518, iyo 383 Ee Xeerka Ciqaabta Guud, kaasi oo gabi ahaanba sharci darro ah maadaama sharciga dalka u yaallaa dhigayo in dacwadaha saxaafadda ka dhanka ah loo mari doono xeerka Saxaafadda Somaliland iyo habka madaniga ah.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Sirdoonka qaranku goob huteel ah inta ay ka kaxaysteen Guddoomiyaha Wargeyska FOORE Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim uu muddo dhan 7 maalmood ku xidhnaa xarunta ciidanka Dambi baadhista Somaliland gaar ahaan qaybta lagu xidho maxaabiista argagixisada ku eedaysan, kadib markii wargeysku wax ka qoray danaha dhaqaale ee Madaxtooyada ugu jira heshiiska wareejinta Dekedda Berbera.

Dacwadaha iyo xadhiga saxafiyiinta ayaa si xawli leh u kordhay tan iyo mudadii ay xukuumadda xisbiga KULMIYE talada haysay lixdii sano ee ugu dambeeyey iyada oo ay wakhtigan xayiran yihiin wargeysyo dhawr ahi.