Maxaad Kala Socotaa Sharciyo Cusub Oo Lagu Soo Kordhin Doono Kubadda Cagta Sannadka 2017-Ka?

Published on Feb 14 2017 // Ciyaaro

“Sharciyadan Oo  Saamayn Ku Yeelan Doona Guud ahaan Kubadda Cagta”

 Waxa bisha soo socota ee March,03-deeda kadhici doona garoonka Wembley ee London ku yaala shirwaynaha 131’naad ee boodhka sare ee xidhiidhka caalamiga ah ee kubadda cagta, kaasoo magaciisa loosoo gaabiyo (IFAB). Haddaba sida la filayo waxa jiri doona sharciyo cusub oo lagaga doodi doono  shirkan islamarkaana lagu ansixin doono sharciyadaasi hadii ay isku raacaan aqlabiyada Boodhku.

Dib u eegida Sharciyadihii 2016/2017, waa shaqada ugu badan ee boodhkani kaga doodi doonaan ama ansixin doonaan ayaa ah inay dib u eegaan sharciyadihii lasoo badi sanadkii tagay iyo sannadkan, kuwaas oo la ansixin doono kii ugu cod bata.

1# Sharciga Anshax-marinta Khaladaadka (Fouls): sharcigan ayaa ah mid aad ay ugu muran san yihiin xidhiidhada kubadda cagta ee dunnidu, waxaanu dhigayaa in ciyaartooyga xanaaqad sameeya fursad gool noqon karaysay, tusaale ahaan weerar yahan dhaafay oo dhinaca goolka cidi ka xigin, lagu dhigi doono Gool ku laad (Rikoodhe), halkii awal laga siin jiray Kaadhka casaanka ah. Balse hadda waxa la dhigi doonaa Penelty, iyadoo aan la siin doonin Kaadhka Casaanka ah.

2# Bedelka Wakhtiga Dheeraadka ah:  sharcigan ayaa hadii la ansixiyo noqon doona in koox kasta loo ogolaado bedel afaraad haddii ciyaarta laysla gaadho wakhtiga dheeraadka ah, halkii mari hore kaliya loo ogolaa saddex bedel ah.

3# Lasoo galida agabka Electroniga ah: sharcigan ayaa u ogolaanay in ciyaartooygu lasoo gallo qalab electronig ah, kuwaas oo loo isticmaali doono wada xidhiidhka ciyaartooyga iyo kooxdiisa. Qalabka ayaanay ku jirin saacaduhu balse noqon kara qalabka EPTS-ka loo yaqaano.

4# Sharciga Kaadhka Sadexaad: sharcigan ayaa sheegaya in garsooruhu bixin karo kaadh cusub oo noociisu yahay Akhtar, kaasoo ciyaartooyga la siinayo hadii uu shakiyo garsooruhu, waxaanu u dhexeeyaa Kaadhadhka Huruuda iyo Casaanka ee hadda aynu naqaano. Waxaanu ciyaartooyga kadhkan lasiiyaa dibada kaga maqnaan doonaa ciyaarta Daqiiqado kooban.

5#  Kaalmada Muuqaalka Garoonka: waxa jiri doona Muuqaal uu dib u daawan doono Garsooruhu hadii uu u baahdo si uu go’aan u gaadho, haddaba sharcigan ayaa sannadkii hore, waana sharciyada ugu waawayn ee la sugayo in la ansixiyo.

Si kastaba ha ahaatee, sharciyadan ayaan siwayn loogu kala qaybsan yahay, waxaana inbadan oo kamid ah Boodhka kubadda cagtu u kala qaybsami doonaan kuwo sharcigan u codeeya iyo kuwo diida.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!