Maxaad Kala Socotaa Dhaxalsugeyashii Eersaday Dhaliisha Boqortooyada Sacuudiga?

0
975

Labdii sano ee ugu danbeeyay ,saddex ka mid ah dhaxal sugayaasha boqortooyada Sacuudiga oo ku sugnaa dalalka Yurub ayaa la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Dhammaan dhaxal sugayashani waxa ay canbaarayn jireen dowlada Sacuudiga.

Waxa jira cadaymo muujinaya in dhammaan dhaxal sugayashani la afduubtay islamarkana loo duuliyay Sacuudi Carabiya halkaasi oo aan la ogayn meel ay ku danbeeyeen.

Subaxnimadii hore 12 June sanaddii 2003, ayaa mid ka mid ah dhaxal sugayaasha sacuudiga waxaa loo kaxeeyay Hotel ku yaalla duleedka magaalada Geneva.

Magaciisu waa Sultan binu Turki bin Cabdulcaziz,waxaana qasriga lagu casuumay iska lahaa adeerkii, boqor fahad oo geeriyooday.

Waa mid ka mid ah wiilashiisa wiilkii uu ugu jeclaa , dhaxal suge Cabdul Caziz bin Fahad,oo isagu quraac ku casuumay.

Abdulaziz ayaa waxa uu ka codsaday Sultan in uu Sacuudiga dib ugu soo laabto halkaasi oo uu u sheegay in la xalin doono muranka u dhaxeeya isaga iyo hogaanka boqortooyada.

Sultan waa uu diiday, ka dib Abdulaziz ayaa u sheegay in uu doonayo in dibad uu u baxo si taleefoon uu ugu hadlo waxaana sidoo kale ragga kale ee ku jiray qolka ka mid ahaa wasiirka arrimaha diinta ee sacuudiga,Sheikh Saleh al-Sheikh.

Waxa qolkii agaga tagay Sultan daqiiqado ka dib na waxaa soo galay rag madaxa soo duubtay ,waxa ayna ku bilabeen in ay garaaceen islamarkana gacmaha ayay ka xidheen ka dib na irbad ayay qoorta kaga mudeen.

Mr Sultan oo suuxsan ayaa ka dib loola cararay garoonka magaalada Geneva halkasi oo laga saaray diyaarad sugaysay in ay Sacuudiga u qaado. Taasi waa dhacdada dhaxal suge Suldaan sida sanooyiin ka dib loo sheegay maxkamada ku taala dalka Switzerland.

Shaqaalihii Sultan ee sugayay in quraacdaasi uu ka soo laabto waxaa ka mid ahaa,Eddie Ferreira oo ahaa ninka warfaafinta u qaabilsanaa.

"Markii ay maalintaasi saacaduhu is gurayeen islamarkana aan wax war ah laga hayn ayaa talo nagu cadaatay,ma aanan la hadli Karin kooxda ammaanka waana taa midii ugu horaysay ee digniinta baraaruga" bixisay ayuu yidhi.

Waxaan isku daynay in aan la xidhiidhno  mr Sultan balse kama uu jawaabayn taleefoonka ayuu yidhi Mr Ferreira. Mr Ferreira aya sheegay in ka dib ay galabtii si l ama filaan ah ugu yimaadeen laba qof.

"Waxaa yimid Hotelka safiirka Sacuuduga ee Switzerland waxaana la socday maamulaha hotelka waxa ayna qof waliba u sheegeen in ay hotelka baneeyaan ayna dibada u baxaan,"ayuu yidhi Ferreira.

Mr Ferreira ayaa sheegay in dhaxal suge Sultan laga dajiyay magaalada Riyadh islamarkana loo sheegay in shaqaalihii u shaqaynayay aan loo baahnayn.

Sanado  ka hor ayuu Yurub u yimid daawayn waxa uuna bilaabay in uu bixiyo warayso uu ku canbaaraynayo dowlada Sacuudiga.

Dhaxal suge Sultan bin Turki bin Abdulaziz ayaa canbaareeyay heerka xuquuqul insaanka,waxa uuna cabasho ka muujiyay musuqmaasuqa ay sameeyaan saraakiisha boqortooyada ,waxa uu jeediyay baaq ahaa isbadal. Boqortooyada sacuudiga Ayaan u dulqaadan wax khilaafsan oo ka soo horjeeda.

Dhaxalsuge Turki bin Bandar waxa uu mar madax ka ahaa booliiska Sacuudiga ,waxa uuna masuul ka ahaa booliiska u gaarka ah boqortooyada.

Hasa yeeshee muran iyo loolan ku saabsan dhaxalka boqortooyada ayaa horseeday in xabsiga la dhigo.

Markii xabsiga laga siidaayay Dhaxal suge Turki bin Bandar waxa uu u cararay magaalada Paris 2012,halkaasi oo uu ka bilabay in uu muuqaalo uu ku dalbanayo isbadal uu ku baahiyo barta YouTube.

Xukuumada Sacuudiga ayaa ka jawabtay waxa ayna isku dayeen in Turki ay ku qanciyaan in uu Sacuudiga dib ugu soo laabto.

Markii Ahmed al-Salem,oo aha wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ay wadahadleen ayaa waxa wadahadalkaasi duubay dhaxal suge Turki bin Bandar ka dibna waxa uu soo galiyay baraha internettka.

"Qof waliba waxa uu doonayaa in aad dib u soo laabato ,alle ha ku sharfee," ayuu yidhi wasiir ku xigeenka.

"waxa ay doonayaan in aan dib u soo laabmo?"ayuu ku jawaabay Turki. "maxay yihiin warqadaha ay ii soo dirayaan saraakiishiina oo ay leeyihiin sidii Sultan binu Turki oo kale Ayaan kuu jiidaynaa oo Sacuudiga dib kuugu celinaynaa?.

Wasiir ku xigeenka ay ka dib ku jawaabay"kuma taabanayaan aniga ayaa walaalkaa ah."

Isla sanadkii 2015 ayaa la waayay meel uu jaan iyo cihib dhigay dhaxal suge Turki bin Bandar.

"Bil waliba ama labadii bilood mar ayuu I soo wici jiray ayuu yidhi saaxibkii Wael al-Khalaf oo ah nin wax ku qora baraha internetka.

"Ka dib waxa aan wayay 4 ilaa ilaa 5 bilood waana shakiyay ka dib waxa aan ka maqlay sargaal sare oo boqortooyada ka tirsan in Turki bin Bandar uu iyaga gacanta ugu jiro ."

Muddo markii la raadinayay warka Mr Turki,ayaa wargays ka soo baxa Morocco qoray maqaal ah in uu booqasho ku tagay dalka Marocco markii uu isku dayay in Faransiiska uu ku laabtana ay xidheen ciidamada Morocco loona gacan galiyay Sacuudiga ka dib markii ay ansixisay dib u celintiisa maxkamad.

Sidoo kale isla xiligaasi dhaxal suge,Saud bin Saif al-Nasr oo ah nin Hotelo iyo hanti ku leh Yurub ayaa la kulmay dhacdo tan la mid ah .

Sanadii 2014 waxa uu barta tweetarka ku soo qoray waxyaabo uu ku canbaarynayo boqortooyada sacuudiga.

Waxa uu ku baaqay in la maxkamadeeyo saraakiisha Sacuudiga ah ee taageeray afgonbigii xukunka looga tuuray madaxwaynihii Masar Mohammed Morsi.

Wixii xiligaasi ka danbeeyay wax war ah lagama helin dhaxal suge,Saud bin Saif al-Nasr . Dhaxal suge Khalid bin Farhan,oo isgauna u qaxay dalka Jarmalka 2013 ayaa rumaysan in la afduubay Saud bin Saif al-Nasr.

Waxa uu sheegay in lagu khiyaameeyay in uu yimaado magaalada Roma halkaasi oo loo sheegay in uu heshiis ganacsi uu kula galayo shirkad Taliyaani ah oo doonaysa in laamo ay ka furato gacanka.

"Diyaarad gaar ah ayaa timid oo qaaday dhaxal suge Saud balse kuma ay dagin Roma waxa ay ka dagtay Riyadh,"ayuu yidhi Khalid.

Dhanka kale dhaxal suge Khalid, oo ilaa hadda musaafuris ahaan ugu nool Jarmalka ayaa ka baqaya in lagu qasbo in Sacuudiga uu dib ugu laabto.

Tan iyo sanadii 1932, markii uu boqor  Abdul Caziz, oo loo yaqaanay Ibnu Sacuud, Sacuudi Carabiya,waxaa dalkaasi ka jirtay boqortooyo.