Maxaad Ka Taqaanaa Ra’isalwasaaraha Cusub Ee Ingiriiska?

0
568

Dalka Ingiriiska  ayaa guda galay maalmo kale oo si lama filaan ah ay siyaasaddu isu badashay kadib markii isniintii ay loolanka xisbiga conservative-ka ee talada haya ay ka hadhay  Andrea Leadsom, wasiirka tamarta Britain.

2

Arrintan ayaa horseeday in Theresa May oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ay ku guulaysato qabashada xilka Ra’iisul Wasaaranimo oo arbacdan maanta galinka danbe ay si rasmi ah ula wareegi doonto.

Terresa May oo noqonaysa Ra’iisul Wasaarihii labaad ee dumar ah ee dalka Britain soo mara ayaa soo dhoweysay in ay dalkan sii hogaamiso oo ay ka mira- dhaliso go’aankii Britain ay kaga baxday Midowga Yurub bishii hore. “Waxaa sharaf ii ah in xisbigu ay ii doorteen in aan hogaamiyo, waxaana jeclahay in aan uga mahadnaqo musharixii kale ee Leadsom iyo sharafta ay muujisay maanta, waxaan kaloo uga mahadnaqayaa David Cameron hogaamintiisii dalka.”

Terresa May ayaa balan qaaday in ay u istaagi doonto midaynta dadweynaha Britain kadib aftidii dalka ka dhacday bishii aynu soo dhaafnay.

Waxaana ay sheegtay in ka bixistii Britain ee Midowga Yurub aan laga noqon doonin, lagana dhigi doono mid laga gun-gaadho.

“Waxaan u baahanahay aragti fayow oo xoog badan oo ka howlgasha mustaqbalka dalkan iyo himilooyin ay cid kasta iska dhex arki karto oo aan cid gaar ah fursad ugu jirin. Sababtoo ah waxaan doonaynaa in dadka ay noloshooda iyaga maamushaan.” Theresa May

Ra’iisul Wasaare Cameron oo bilaabay in uu boorsooyinkiisa ka xidhxidho qasriga 10 downing street ee dalkaas looga arrimiyo ayaa sheegay in uu xilka wareejinayo, lana shaqaynayo ra’iisul wasaaraha cusub isagoo ku amaanay Teresa May kartida hogaamineed iyo sida dalkan ay ugu jihayn karto dariiqa saxan. “ Waxaan ku faraxsanahay in Theresa May ay noqon doonto Ra’iisul Wasaaraha dalka. Waa qof adag, oo awood u leh shaqada, waxaa ay suuragalinkartaa hogaaminta uu dalkeenu u baahan yahay sanadaha soo socda…anigu si buuxda ayaan u taageerayaa… isbadalkan dhacay aawadiis looma baahna in xil wareejintu ay nagu dheeraato…. Waxaan yeelan doonaa kulan Ra’iisul Wasaare cusub oo Aqalkan iga dambeeya ku wareegi doono galinka dambe ee arbacada.” David Cameron

Cameron ayaa markii uu galinkii dambe soo gunaanaday shirkiisii jaraa’id ee uu sii galay qasriga uu ka guurayo la maqlay isagoo heesaya….waxaana loo fasirtay in uu ula jeedo halkaasi ha’iiga ekaato shaqadii aan soo hayay.

Taariikhda May:

· Da’deedu waa 59 sano jir.

· Waxa ay ahayd mudane baarlamaan 19 sanadood.

· Wasiirka Arrimaha Gudaha (2010 ilaa xiligan)

· Waxay ku dhalatay Deegaanka Eastbourne ee dhaca galbeedka Sussex ee xeebta koonfureed ee gobolka England.

· Waxaa ay maadada juqraafiga ka baratay jaamacadda Oxford University.

· Waxaa kaloo ay La-taliye dhaqaale kasoo noqotay Bangiga England.

· Waxaa qaba Philip May oo dhaqaalyahan ah, caruurna isuma dhalin.

Margaret Thacher ayaa ahayd haweenaydii ugu horaysay ee dalkan Ra’iiusl Wasaare ka noqota intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1990.

Si kastaba ha ahaatee xisbiyada mucaaradka ee dalka ee kala ah Labour iyo liberal democrat ayaa iyaguna ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho guud oo waqtigeeda laga soo horumariyo maadaama aanay jirin cid la tartantay Terresa May isla mar ahaantaana aanay ku iman xukunka doorasho dadweyne.