Maxaabiista Xabsiyada Dalka Oo La Ogaaday Inay Isticmaalaan Facebook iyo Twitter

0
619

Hargeysa(Geeska)-Wasaarada cadaalada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday inay raadinayaan nidaam Tignoolajiyadeed oo ay xabsiyada dalka kaga joojiyaan isticmaalka shabkadaha bulshadu ku xidhiidho ee Facebook iyo Twitterka oo aad ay maxaabiistu u isticmaalaan.

Wasiiru dawlaha wasarada cadaalada Khadar Axmed Diiriye ayaa ka dhawaajiyay in wakhtigan ay aad u dareemayaan isticmaalada barkulanadan bulshada iyada oo maxaabiistu ay isticmaalayaan moobilo qaab qarsoodi ah loogu geeyay oo Internat leh, waxa uu wasiirudawlahu sheegay inay ku dadaalayaan inay arintaas joojiyaan.

Waxa uu arimahan wasiirudawlahu kaga hadlay mar warbaahintu wax ka waydiisay isticmaalka maxaabiista ee barkulanadan bulshada, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Runtii arinta tignoolajiyadu waa mid inagu cusub oo u baahan dedaalkeeda, xabsiga marka la galo qofku wax alle iyo wax isgaadhsiin ah oo uu isticmaali karaa ma jirto waa ay inaga reebantahay, masuuliyadaasna waxa leh maamulka xabsiga, Facebook iyo Twitter-ka waa la sheegaa, lama ogala waa la'la dagaalamayaa qofkii lagu arko waa danbi, arintaas waa ay nagu soo noqnoqotay waxaanu kala tashanay haayado nagala shaqeeya xabsiyada sidii arintaas loo qaban lahaa ee Internatkaba laga xidhi lahaa aagaas dhawr qalab  oo kala gaar ah ayaa naloo keenay in aagaas aan moobilba laga isticmaali karin qaar ayaanu ku xidhnay,xabsigan Hargyesa oo kale waad aragtay oo xaafadii u dhawaa ayay ka xidhmeen, markaas wali waxaanu raadinaynaa nidaam ku haboon oo arintaas lagaga xidho, laakiin waxii dhaca waa tuugo oo marna waa suurto gashaa marna waa la qabtaa oo aragti ayuunbaa idinka dhaxaysa, tignoolajigiina inaan ku rakibno inaan ku guulaysanaan doonaynaa,arintaasna waanu kala hadalnay maamulka xabsiyada iyo ciidanka asluubta, laakiin si sharci daro ah ayaa laga yaabaa inay ku galaan marka la ogaadana markiiba waa la soo qabtaa."