Maxaa Sababay Inay Dib U Dhacdo Doorashadii Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud  Ee Somaliland.

Published on Jul 25 2016 // Ciyaaro, Columnists, Warar

nuu“Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabada Oo Arintaasi Ka Jawaabay”

Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada doorashadda xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Mr. Maxamed Nuux Jibriil, oo sidoo kale ah Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa ku dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee ay qabsoomi doonto doorashadda ciyaaraha fudud.

Mr. Maxamed Nuux oo u waramay saxaafada ayaa sheegay in muddo 6 maalmood ah dib u dhac ku yimid wakhtigii ay hore u shaaciyeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in sababta dib u dhaca keentay ay tahay dhanka u diyaar garawga iyo foomamkii ay murrashixiintu buuxinayeen, guud ahaana ay dhammeystireen wax kasta oo la xidhiidha qabsoomida doorashadda.

Wakhtiga dambe ee rasmiga ah ee doorashadda xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabsoomaysa ama loo muddeeyay 30-ka bishan July ee sannadkan, iyada oo uu ahaa wakhtigii hore loo shaaciyay 24-ka July. Loolanka iyo ololaha murrashixiinta u tartamaya jagooyinka sare sare ee xidhiidhka ciyaaraha fudud ayaa la dareemaya, waxaana loolanka mansabyada ciyaaraha fudud u dhaxeeya laba dhinac oo iyagu hore u shaaciyey inay si wada jir ah isku wataan dhinac walbaa.

Ugu dambeyntii, waxaa xusid mudan tahay in labada dhinac oo min afar xubnood ahi ay kala hogaaminayaan guddoomiyaha iyo xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha fudud, oo labaduba isku sharaxay jagadda guddoomiyaha xidhiidhka.

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!