Maxaa Sababay In Dib Loo Furo Wershada U-FRESH Oo Madaxweyne Biixi Amray In Maxkamad La Geeyo?

0
1297

Hargeysa(Geeska)-Wershada soo saarta sharaabada la cabo ee U-FRESH ayaa dib loo furay kadib markii  ay xidhnayd saddexdii bilood ee ugu danbeeyay.

Wershadan ayaa waxa xidhay hay’ada tayada oo ku eedaysay inay sharaab caafimaad aanay tayadiisu wanaagsanayn suuqa ku soo daysay, waxaanay hay’adu tayadu sheegtay inay sharaabkaas ku jireen waxyaabo wasakh ah oo aan u wanaagsanayn caafimaadka bini-aadamka.

Guddoomiyaha hay’adda tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa wakhtigaas la xidhay wershadan wuxuu yidhi “Gudidu markii ay tixgaliyeen dhibaatada caafimaad uu keeni karo agabka hoos ku xusan ee ay soo saarto warshada U-FRESH  ee ku taala magaalada Hargeysa markii ay wada tashi balaadhan sameeyeen waxay go’aansadeen in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Axad/12/2018 la joojiyo in la isticmaalo, la iibiyo la dhoofiyo oo la qaybiyo badeecadaha hoos ku xusan ee ay hore u soo saartay warshadu, alaabtana inta dib u sixid lagu samaynaayo waxii khaladamay ee anaga iyo warshadu isla waafaqayno sidaas looga saaro suuqa.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa isna isagoo ka hadlayay carwadii ganacsiga, wuxuu sheegay inuu amray in la xidho warshadaas oo soo saartay waxyaabo laga argagaxaayo oo cabitaano ah waxaanu sheegay in maxkamad la gayn doono masuuliyiinta shirkadaas ee Somaliland suuqyadeeda ku soo daayay sharaab caafimaad ahaan khatar ah. Madaxweyne Biixi ayaa markaas yidhi “Waxa jira warshado dalka laga sameeyay oo sameeya cunto iyo cabitaan oo markii shaybaadhka caalamka loo qaaday ee aanu soo baadhnay aad argagaxayso, liisana waa uu ka soo qaatay ganacsiga, rugta ganacsiga ayuu soo maray, warshad ayaan dhisayaa waan ku aaminay markii waxii soo baxay la baadhayna waad argagaxaysaa, shalay waxaan amar ku siiyay gudida tayada iyo booliska in dhamaan warshadaas ay soo xidhaan qalabkeedana suuqa laga soo ururiyo waliba maxkamadna la geeyo, aqoonteeda ayay u lahaayeen inay dadka ku soo daayaan waxay cunayaan iyo waxay cabayaan waxaas oo kale.”

Hase yeeshee waxa dad badan yaab ku noqotay in wershada hadal haynteedu heerkaas gaadhay, saddex bilood ka dib dib loo furo.

Wershada U-FRESH ayaa haatan dib loo furay iyada oo guddoomiyaha haayada dhawrista tayada Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf  uu ku dhawaaqay inay wershadu saxday wixii khaldamay, waxase wali iswaydiin leh amarkii madaxweyne Muuse Biixi ee ahaa in maxkamada ay dawladu la gali doonto masuuliyiinta shirkadaas ee suuqa ku soo daayay sharaabka caafimaad ahaan shacbiga khatarta ku ah halka uu ku danbeeyay.

Guddoomiyaha haayada dhawrista tayada Somaliland Muuse Xasan ayaa dib u sheegay inuu u fasaxay warshadaas “ Laga bilaabo maanta waxaanu u aqoonsan nahay oo aan shahaadadiina gudoonsiinaynaa in warshada U-FRESH heerkeeda tayadu aad u wanaagsan yahay, oo ay furantahay laga bilaabo maanta.”

Waxa Somaliland siyaabo kala duwan u soo gala cuntooyin, cabitaano iyo daawooyin aanay tayadoodu wanaagsanayn, kuwaas oo khatar ku ah caafimaadka shacabka reer Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here