Maxaa Sababay In Dib Loo Furo Wershada U-FRESH Oo Madaxweyne Biixi Amray In Maxkamad La Geeyo?

0
990

Hargeysa(Geeska)-Wiil reer Somaliland ah oo ka socdaalay magaalada Hargeysa, kuna sii jeeday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa ka mid noqday 157-ka ruux ee ku geeriyooday shilkii diyaaradadeed ee diyaaradda Ethiopia burburiyay Axadii toddobaadkan.

Wiilkan, Alle haw naxariiste waxa magaciisa lagu soo koobay Cabdimaalik, waxaanu ku safrayay Baasaaboor Soomaali, isagoo ku sii jeeday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxaanu ka mid ahaa dhallinyarada reer Hargeysa ee lahaa mustaqbal ifaya. Alle haw naxariisto Marxuum Cabdimaalik.

Waxa iyaguna Alle haw naxariiste inta la xaqiijiyay diyaarada la socday dad kale oo Soomaali ah oo kala ahaa Aamina Cadaawe iyo gabadh ay dhashay oo ku safrayay Baasaaboorka Kanada, Cabdifataax Iimaan Shafaat oo ku safrayay Baasaaboorka Yurub ah iyo Siraaje Xuseen Cabdi oo isna ku safrayay Baasaaboorka Maraykanka.

Diyaaradda Itoobiya oo ka kacday madaarka Addis Ababa kuna sii jeeday Nayrobi, ayaa burburtay markii ay 6 minit hawada ku jirtay, waxaana la sheegay in markii u dambaysay ee uu duuliyuhu xidhiidh la soo sameeyay madaarka Addis Ababa uu sheegay inay heshay cilad oo uu dib ugu soo noqonayo madaarka Addis Ababa, laakiin waxay ku burburtay meel Addis Ababa u jirta 64 km, waxaana shalay la helay sanduuqa kaydiya xogta diyaaradda oo ay madaxda diyaaradu sheegtay inay rajaynayaan inay ka heli doonaan sababta ay diyaaradu u burburtay.

157 ruux oo ay ku jireen 8 ruux oo isugu jiray duuliyaha diyaaradda iyo shaqaalaha kale ayaa ku geeriyooday shilkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here