Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Xukuumadda KULMIYE?

49
4545

Cabdixakiin Xaaji Siciid

Saddex arimood ayaan ku soo kobayaa Sooyaalka Kulmiye ama (Legacy)ga

1- Boob xad dhaaf ah waa ta loogu bixiyey Murdiso

2- Musuq maasuq ( Corruption).international agency yadu inooguyedhaan Corrupt land

3- Sicir barar aan la xakamayen karin

4- Qabyaalad oo aad moodo inay xadhkaha goosatay

Wakhtigii ay la waregeen hoggaanka dalka xukumaadu Somaliland waxay lahayd tiro aqalo ama dhismayaal gaadhaya 1053. Hada waxaa ka taagan wax ka yar 200 oo Guri. Wixii ingriisk ka tacabiray, afweyne ka xishooday, Gigaal xurmeeyey, Ina Riyaale yara gujiyey ayey Murdiyeen  hadda waxay marayaan inay iskuuladii iibshaan.

Waad ogtihiin inay dekadii berbera qarka u saran tahay inay xidhanto. Waxa nagu maqaal ah in wiishyadii wax lagu dejinayey ay wada xumadeen, xabad keliya aa shaqeysa, lacagta yare e ka soo baxdana waxaa toos loo saraa FLY Dubai halkii lagu ridi lahaa Central Banka Somaliland. DP Word ayaa farta laga saaray Naaskii keliya ee Somalilandu u Irmanaa, waxa xasuus mudan in aan dib u jaleecno sidii xaraanta ahayd ee loo baxshay.

Waxa ku tartamayey. Barooli, MSC ( Midtrainian Shipping Group) Chinese and Ethiopian isu jira. Word Bank ayaa lacag $300,000.00 siiyey MTPS

( Rotterdam ) oo ah shirkadaha dekedaha ku xeel dheer hawshaasna khibrada u leh taladay bixiyeen waxaa laga door biday laaluush la qaatay, masiirkii umadana halkaas ayaa lagu baabiiyey, taladii ay bixiyeena u noqotay hal bacaad lagu lisay

 

Sicir bararku wuxuu ahaa maalintii ay hogaankadalka qabteen 5500 maanta wuxuu kor u dhaafay 10…waxa ugu way ee sarifku u degi laayahay waa

1- Lacagtan la soo daabacanayo waa in la jojiyaa

2- Lacagtan adage e maalin walba inagaga baxaysa sida Jaadka oo la joojiyo

3- Lacagta wadanka oo la Isticmaalo Shilinka Somaliland

4- In la kordhiyo wax soo saarka khayraadka wadanka si aan u helno lacag adag   iyo Qaar kale oo badan

Shicibka Somaliland waxa lagu qiyaasay ilaa 3.8 million  waxa dhalin yaro ah 1.6 million. Dhalinyartaas waxa bilaa camal ah 70%. Deraasad maalin dhawayd lagu soo ban dhigay shir aan ka qayb galay Khartoum (Youth un employment In Somaliland) waxa lagu soo bandhigayin xitaa shaqooyinka ardeyda lagu siiyo Qabyaalad… oo Ardeygii aan ka dhalan reer power leh ama aanu hor socon suldaan libaax ahi aanu shaqo heleyn.

Waxaan ku soo meraayaa kulmiye wuxuu Somaliland kaga tegay intaas aan soo sheegnay iyo waliba, wadankii oo bur bur ku dhow, waxaan aragnaa Khaatumo land  Awdal Land…. Madaxwayne  Riyaale khudbadisii ugu danbeysay wuxuu yidhi waxaan idinku wareejiyey dad isku duuban iyo dal dhan….. ha la idiinku yimaado,

Shicibkii Somaliland ee is lahaa waxydun Cabi hadhuubka hashii Maandeeq ee loo halgamay..Rajadoodii waxay noqotay hal bacaad lagu lisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here