Maxaa Baajiyay Socdaal La Filayay In Dr. Abiye Axmed Uu Hargeysa Ku Iman Lahaa Arbacadii?

0
2188

Hargeysa(Geeska)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha Itoobiya uu baajiyay socdaal la filayay inuu Arbacadii la soo dhaafay ku iman lahaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo lagu xaqiijiyay imaanshaha Hargeysa ee Raysalwasaaraha Itoobiya, haddana wararka uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Raysalwasaare Abiy Axmed uu habeenimadii Arbacadu soo galaysay xidhiidh Telefoon la soo sameeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku wargeliyay inuu Arbacada imanayo magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inay samaysay diyaar garowgii ugu heer sareeyay, waxaana la xoojiyay oo ciidamo dheeraad ah la geeyay madaarka Cigaal. Madaxweyne Biixi ayaa kulan wada tashi ah ugu yeedhay madaxda xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani.

Hase yeeshee Raysalwasaare Abiy ayaa subaxnimadii Arbacadii wuxuu madaxtooyada Somaliland ku soo wargeliyay inuu weheliyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay markaas ku wada sugnaayeen magaalada Nayrobi oo uu Abiy ku dhexdhexaadiyay Soomaaliya iyo Kenya. Balse Madaxweyne Biixi ayaa Raysalwasaare Abiy Axmed ku wargeliyay inaanay suurtogal ahayn in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu yimaado dalka Somaliland, isaga oo weli ku doodaya inay Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, waxaanu Madaxweyne Biixi Raysalwasaaraha Itoobiya uu ku wargeliyay in  isaga [Dr. Abiy] lagu soo dhawaynayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, laakiin aanay suurtogal ahayn inuu Hargeysa yimaado Madaxweyne Farmaajo, oo weli ku doodaya inay Somaliland tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Raysalwasaarha Itoobiya ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka aqbalay inuu baajiyo socdaalkaas uu doonayay inuu Mr. Farmaajo ku keeno Hargeysa, waxaana la sheegay inuu Dr. Abiy balan qaaday inuu socdaal gaar ah ku iman doono Somaliland, laakiin lama sheegin wakhtiga uu iman doono.

Haddii uu Raysalwasaare Abiy isagoo keli ah socdaal ku iman lahaa Somaliland wuxuu noqon lahaa hoggaamiyihii u horeeyay ee soo booqda Somaliland, haddii uu Farmaajo wehelin lahaana wuxuu noqon lahaa Madaxweynihii u horeeyay ee Soomaaliya ee Somaliland booqasho ku yimaada intii ay xorriyadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991.

Sidaas darted, dad badan ayaa go’aanka uu Madaxweyne Biixi qaatay ee uu Abiy Axmed kaga diiday inuu Hargeysa keeno Madaxweyne Farmaajo u arka inuu ahaa go’aan adag oo geesinimo leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here