Masuuliyiinta Soomaaliland Ee Maray Dariiqii Saxda Ahaa Ee Qaranku Ku Saxmi Lahaa

0
1131

Aqoonyahan  Ismaaciil Maxamed Axmed

Waxa hubaal ah in qaran waliba ku tamariyo khayraadka ilaahay siiyay oo noocyadiisu kala duwan yihiin khayraadka dal lee yahay wuu badan yahay waxase ugu mihiimsan dadka haddii dadka dalka madaxdiisa ahi umadda amaanadda ay u hayaan sideeda u gutaan waxa hubaal ah in waxyaabo badani saxmi lahaayeen Soomaliduna waxay ku maahmaahdaa “haddii ilaahay duunyo kula damcay dadkeeda ayuu ku siiyaa” qormadaydan kooban waxan jecelahay in aan ku xuso dad reer Soomaliland ah oo maray dariiqii saxda ahaa ee amaanadda ay umadda u hayaan dadka aan qoraalkaygan ku xusayaa maaha qaar aanu hayb wadaagno haddii laga tagi waayo qaar ka mid ah ayaanu sagaashamaadka horaantiisii schooladdii privadada ahaa wada dhigan jirnay laakiin intaa dabadeed ninba meel ayuu waayaha noloshu ku tuurtay. Haddaba waxan jeclaystay inaan qoraalkaygan ku xuso masuuliyiintan hoos ku xusan

Sharmaarke Geele: Waa masuulka u sareeya hay’adda shaqaalaha dawladda sharkaarke intii uu joogay hay’adda shaqaalaha wuxu sameeyay horumarwayn oo ku aadan gudashadda amaanadda uu shacabkiisa u hayo waanan ku hambalyaynayaa waanan ugu ducaynayaa in garashaddaa ilaahay siiyay uu ka sii wado halkeeda

Khadar Xaaji Yuusuf: waa wasiirka wasaaradda dhaqanka waana wasiirka ka badheedhay inuu shaqaalihiisa imtixaan mariyo maanta oo ay taariikhdu tahay 20/08/2017 waa wasiir shaqadda ku cusub oo dhalinyaro ah waana wasiirkaa ku dhiiraday shaqaalihiisii u horeeyay inuu imtixaan mariyo isaga iyo wasiir ku xigeenkiisa iyo maamulka wasaaraddiisa ee ay hawshaasi hoos timaadana waan bogaadinayaa wasiiradda kalena waxan u soo jeedin lahaa inay kaga daydaan wasaaradda dhaqanka habkaa fiican ee ay martay

Guddoomiyaha Maxkamadda sare (Aadan Xaaji Cali) iyo guddida kale ee maxkamadda sare iyagana waxan ku hambalyaynayaa intii ay maamulka yimaadeen shaqooyinkii ay qabteen iyo siday dadku uga mahadsheegteen

Cabdirashiid M. Hershi (Cabdirashiid Beergeel) waa gudoomiyaha maxkamadda degmadda Hargeysa waa waa nin dadku aad u majeertaan qaabka garsoorkiisa

Waa laga yaaba in masuuliyiin kale oo sidan oo kale waajibaadkood u gutaa ay jiraan  laakiin waa intii aniga ay indhahaygu qabteen inta badan waxba ma qoro laakiin way ka fursan waday inaan maanta qoraalkaygan kooban ku xuso masuuliyiinta Soomaaliland ee maray dariiqa saxda ah ee nidaamka dawladnimo waxaanan hubaa haddii masuuliyiinta dawladda u shaqaysaa ay mari lahaayeen dariiqa ay mareen dadkaa aynu xaga sare ku xusnay in qaranku meel meeshan ka saraysa oo isku kalsooni leh gaadhi lahaa waxanan ku boorinayaa dhamaan dadka had iyo jeer ku wareeray siyaasadda aan dhiirigalino dadka bulshadeena sida saxda ah ugu shaqaynaya

Ismaaciil Maxamed Axmed

Hargeysa

0654427191