Masuul Ka Tirsanaa Madaxdii UDUB Oo Loo Magacaabay Badhasabka Gobalka Awdal `

0
752

 

awdalHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay guddoomiye cusub Md. Xasan Daahir Xadi u magacaabay gobalka Awdal, isagoo xilkii ka qaaday badhasaabkii hore Md. Maxamed Daahir Cabdalle.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isagoo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Madaxweynuhu waxa uu Digteeadaa Magacaabista ah ku yidhi sidan:-

 

Markuu Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:              Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                         

Baahida loo qabo in badhasaab loo magacaabo  Gobolka  Awdal, 

Markuu  Aqoonsaday:             

Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal, 

Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Ku Qancay:                  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Xasan Daahir Xaddi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.”