Masuul Dawladii UDUB Ka Tirsanaa Oo Dhaliilo U Jeediyay Xukuumada Iyo Xisbiga KULMIYE

Published on Apr 01 2014 // Warar

Picture2Hargeysa(Quman)-Cabdi Xaliim Maxamed Muuse oo hore u ahaan jirey Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadii Rayaale ayaa waraysi lala yeeshay wuxuu dhaliilo culus dusha kaga tuuray talooyina u  soo jeediyay Xukuumada Siilanyo iyo Xisbiga Kulmiye.

Waraysigan oo uu qaaday Tifaftiraha guud ee Shabakedda Wararka Qumannews.com, Mr Khadar Cali Xuseen [Shiine], Waraysigaas oo dhamaystiranina wuxu u dhacay sidan:

 

Mudane Cabdi Xaliim dhawaan Madaxweynaha Somaliland wuxu ku soo wareegay gobolo badan oo min galbeed ilaa bariga Somaliland ahaa, sidaad u arkaysay safarkaa?

 

Safarkaas wuxu ahaa mid shaqadiisii ka mid ah, dhulka uu marayayna dee dhulkii uu madaxweynaha u ahaa ayuunbuu ahaaa, wuxu la mid ahaa uun safaradii ay madaxweynayaashii horeba dhulka ku mari jireen ee malaha sida loo buunbuuninayo waxa keenay dadku madaxweynaha ayaanay ka filayan inuu safar intaa leeg geli karayay. Safarkaas haddaan si kale u macneeyona wuxu ahaa mid kooxda awoodda madaxweynaha ku shaqaysataa ay ujeedooyin ama dano badan oo kale ka lahaayeen.

 

Madaxweynuhu wuxu gaadhay ilaa laasqoray oo uu weliba dekedda iyo mashaariic kaleba soo dhagax dhigay, miyaan la odhan karin safar guul ah buu ahaa?

 

Horta Madaxweynuhu dee waajib uu lahaa ayuu guutay waanan ku hambalyaynayaa safarkaa dheer ee uu soo maray, waxan kaloo ku hambalyaynayaa deeqda raashinka ah ee uu siiyey dadka degaanka bariga Saaxil, Waxayse somalidu ku maahmaahdaa timirtii horeba dab loo waa. Waddanka muddadaa afarta sanno ku dhaw ee Xukuumadani jirtey dhagxaantii ay meel walba dhigtey baa weli buuxda, oo qaarkood laba jeer iyo saddex jeerba isku meel la dhigay, waxayna u baahantahay meesha dhagaxa la dhigayaa inay qorshe hore iyo ku talogal leedahay. Wax si fudud la isaga dhigi karo oo hawl yar maaha dekedda aad I waydiisay ee Laasqoray ama Lughayaba ha ahaatee. Dhinaca kale Laasqoray waxay ka mid tahay dhulka bariga Somaliland ee muddada Xukumadani jirtey sida weyn u dayacmay ee maamulka Puntland waftiyada kuu gaalaa bixinayeen, markaa khadarow aniga waxa igala muhiimsanaa inta dhegxaan la dhigayo in maamul dhammaystiran la dhigo dhulkaa bariga Somaliland ee Laasqoray, Dhahar iyo Badhan ay ka midka yihiin.

 

Waxa kaloo is weydiin mudan sababta safarka Madaxweynaha aan loogu darin ee loo soo baal mariyey Gobolka Sool mar hadduu Goboladii kaleba soo maray, Gobolkaas oo aanu weli madaxweynuhu intu Xukunka hayey hore u tagin.

 

Mashruuca Waddada Ceerigaabo ma kuula muuqdaa guul taariikhda u galaysa Madaxweyne Axmed Silaanyo oo xukuumadihii hore ee aad ka midka ahayd ka baaqsadeen?

 

Khadarow dawladnimadu waa qori isu dhiib Xukuumad walibana waxa looga baahanyahay halkay Xukuumadii hore kaga tagtay inay hore uga sii qaado. Xukuumadda Madaxweyne Siilanyona halka ay kula kulantay markaad eegto waa xukuumadii ugu fursadda wacnayd oo aan qabo inta la qabtay in ka badan inay qaban kari lahayd, ma jecli maanta inaan kow iyo laba idhaahdo dhaliilaha iyo nusqaanta aan hore u jiri jirin ee intii xukuumadani talada gacanta ku haysay soo kordhay, haddaanse u soo noqdo jawaabta su’aashaad I weydiisay Mashruuca Waddada Ceerigaabo HAA waa arrin qiimo badan oo lagu ammaani karo haddii Xukuumadu sida ay u ballanqaaday ama ay ahmiyadda u siinayso ay u waddo. 

 

Gobolka Sanaag waa Gobolka ugu weyn Somaliland, waa gobol qaniimad badan leh, waddanka intiisii kalena waxa ka reebay waxa ugu weyn waddo xumaan. Maxaase loo baahanyahay?

 

 Waxaynu ognahay in Xeer dhammaystiran oo takaaliif adag lagu saaray dhoofka Xoolaha nool iyo Gaadiidka laga ansixiyey Golayaasha Baarlamanka, runtii takaaliif culayskeeda leh bay ahayd, golaha wakiiladuna aad uga dooday oo in badani difaacaysay inaan meelaha takaaliifta la saaray aanay ku habboonayn, qaadina karin , waxaynuse ogayn in Xeerkaa lagu meelmariyey markii lagu magacaabay in cashuur kordhintaa culayska badan lagu dhisayo wadada ceerigaabo , Xildhibaanadii t

akaaliiftaa ka soo horjeedayna doodoodii uga tanaasuleen wadada iyo horumarka gobolkaasi baahida weyn u qabo. Waxaynu ognahay in qof kasta oo shaqaale dawladeed iyo xataa carruurtii dugsiyada iyo jaamacadaha, kuwo dawli ah iyo kuwa gaar loo leeyahayba, lacag looga jaray waddadaa. Waxa kaloo aad isu xilqaamay muwaadiniintii dibed iyo gudabo joogtay oo si weyn uga qaybqaadatay qaadhaanka wadadaa. Waxaa haddaba loo baahanyahay in lacagtaasi lagu hubsado oo lagu ilaaliyo gacmo iyo nidaam aammin ah oo la helo kalsooni iyo dammaanad ka ilaalinaysa gacandhaafka xukuumadan ololaha ku jirta, oo si transparency ah ummada loogu soo bandhigo nidaamka lagu maamulayo xisaabtaas iyo cidda wadajirka u leh awoodda saxeexyada lagu saari karo lacagta. sidaan xubno guddida waddada ka mid ah ka waraystayna wali ma dhisna nidaamkaasi. Waxaynu kaloo arkeyney warbixintii Huteel Maansoor lagu soo bandhigay inay sheegayeen in dhawr Akown oo qaarkood dibeda yihiin lacagtii soo xarootay inba meel lagu hayo, markaa waxa muhiim ah anigoo toosin ay iga tahay, aadna u jecel in mashruucaa waddadu sida ugu habboon u hirgelo in nidaam cad oo kalsooni leh la helo si cid waliba uga qayb qaadato. Inta aanan khadarow waddada ka bixin waxa kale oo muhiim ah in waddadu mar hadday Ceerigaabo ku magacaabantahay inay meel kaliya uun shaqadeedu ka socoto oo marka Ceerigaabo laga soo bilaabo ay halkaas uun ka soo socoto, waxan taa u leeyahay waxaynu maqlaynaa waxaan suuro gal ahayn oo ah afar meelood bay ka soconaysaa oo aan la fahmi karin, wa dhaqaale iyo wakhti lumis haddii la yidhaa macadaadkii (gaadiidkii kala duwanaa) ee wax lagu dhisayay ayaa kolba dhinac loo rarayaa. Waxaana loo arki doonaa haddii ay sidaasi dhacdo waddo aan dan qaran laga lahayn ee dan gaar ah laga leeyahay.

 

Waxaad xustay kooxo awoodda Madaxweynaha ku shaqaysta, maxaad uga jeeddaa kooxdaas? maxayse noqon kartaa ujeedada ugu qarsoon safarka madaxweynaha?

 

Waxan filayaa cidna maanta kama qarsoona kooxdaasi, waana dhaqan dunida kale waddamo badan hore u soo maray waana ayaan darro in maanta waddankeenu uu yeesho wax la mid ah kooxdii caanka ahayd China ee Gang of Four loo bixiyey, koox macruuf ah bay ahayd mana jecli hadda inaan sii tafaasiileeyo. Ujeedooyinka ay safarkaa ka lahaayeena waxa ugu weynaa laba arrimood: In lagu qariyo fashalka xukuumadda iyo ta Xisbiga Kulmiye Iyo in la bisleeyo muddo kordhin mar kale lagu gabraarto. Waxaan runtii aad u jeclaan lahaa Madaxweyne Axmed Siilanyo oo aanu qoys muxtarim ah ka soo wada jeedno , reer Faarax Sanweyne, oo waalid ii ah inaan maanta taariikhda laga gubin ee loo tudho sannadkaa u hadhay. Waanan hubaa inuu madaxweynuhu jecelaa inuu maanta dhaxal ka tago balse nasiib darro ku dhacday.

 

Mudane Cabdi Xaliim Adiga oo siyaasi madaxbannaan ah Xisbigii UDUB ee burburayna xil sare ka hayey siduu kuugu muuqdaa Shirka Xisbiga Kulmiye ee Markii shanaad dib u dhac ku yimi qabsoomidii Shirweynaha Xisbiga?

 

Runtii waxaan arkayaa in Xisbigaasi marayo meel ka culus halkii uu Xisbigii UDUB ku burburay, waxaanan hubaa haddii aanu awoodda xukuumada taageersanayn inuu si fool xun oo aan kala hadh lahayn u burburi lahaa.

 

Dhibaatada uga weyn ee Xisbiga Kulmiye haysataana waa ciddii magaca ula baxday oo aanu ka xoroobin ilaa haddana cid kale u ogolayn. Waa ta keentay in koox yari 10 qodob oo lagula soo ballamay u yeedhiso, dimuqraadiyadii xisbiga iyo xeerkiisiina meel la iska dhigo, Waana arrin meel ka dhac ku ah awoodii Shirweynaha oo ah awoodda xisbiga ugu sarreysa, taasoo sida xeer-hoosaadyada Xisbiyada lagu caddeeyo Haddii Shirweynaha Xisbiga la isugu yimaado dhammaan ergada xisbiga ka soo qaybgashaa ay xuquuq siman leeyihiin, ergada isu timaadaana xaq u leedahay inay Shirweynaha ku doortaan cidda Guddoomiyaha iyo Hogaanka u noqonaysa iyo Golaha dhexe ee Xisbigaba, Golaha dhexena iska sii doorto cidda fulinta xisbiga noqonaysa iyo musharixiinta madaxtooyada waa sida xeerka Kulmiye dhigayo. Xuquuqdaas iyo awoodahaas marka Shirweynaha la iska hortaago ee ciddii damac lahayd la is hortaago waad garankaraysa waxa Xisbigu ku dambeynayo. Waxa kaloo iyaduna la yaab leh arrintan hadda markii shanaad dib u dhaca sababtay ee weli taagan oo ah in ergadii shirweynaha Xisbiga beelo lagu qaybiyo, isla markaana 50% Laba reer oo beesha dhexe ka tirsan la siiyey beelihii kale ee Somaliland oo dhanna la yidhi others baa Xisbiga ku wada tihiin ee inta kala qaata. Waa arrin aad u foolxun, inkastoo aanay ku cusbayn Xisbiga Kulmiye oo awalba caddaalada taalay aad ka garan garto in saddexda nin ee Hogaanka Xisbiga isaga sarreeya iyo Xoghayuhuba ay beesha dhexe mar walba ka soo wada jeedaan. Markaa dee cid walba waxan filayaa inay u muuqato halka xisbigaasi ku socdo haddaan si dhakhso leh dhaliilahaa tirada badan wax looga qaban.

Ugu dambeyntii waxan ku weydiinayaa Xisbigee baa laga yaabaa inaad ku biirto?

 

Waxan filayaa inaan hadda Xisbi ku biiro waxa igala muhiimsan in aan ka shaqeyno mideynta macaaradka oo aanu siyaasiyiin miisaan leh hadda hawshaa wada bilawnay, waayo waxa noo muuqatay dad badan oo labada xisbi macaarid ku dhawaanaya oo xukuumada iyo Xisbigeedaba dhaliilsan oo haddana aan Xisbiyada macaaridkaba ka tirsanayni inay jiraan, qaar magacyo ku bahaysan sida Madasha wadatashiga, Xaqsoor, inbadan oo hadhaagii UDUB ah iyo weliba siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale oo madax bannaan oo rag iyo dumarba leh. Markaa bal horta inaanu xoogagaa midayno, labada Xisbi mucaaridna la talo yeelano ayaanu ka horreysiinaynaa inaanu Xisbi ku biirno Inshaa Allah.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!