Maskaxdaadu Jimicsi Bay U Baahantahay Ee Subax Kasta Maskaxdaada Ku Firfircooni Geli Hal Xidhaale (6)

0
497

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan maanta waxaa ku jira jawaabta hal xidhaalihii shalay iyo hal-xidhaale cusub. Jawaabta waxa aad ka eegaysaa cadadka dambe, sidoo kale haddii aad doonayso in aad akhristayaasha kale ee barnaamijkan la wadaagto jawaabtaada, waxa aad kula wadaagi kartaa barta aanu ku leenahay facebook ee sumaddeedu tahay: www.facebook.com/Googooska

Jawaabta masaladii hore:

8.  Shaxdan lambarka sagaal ka samaysan, marka aad hoos ka soo bilowdo laynaka shanaad (Haddaad xagga sare ka soo bilowdana laynka Siddeedaad) dhinaca midig lambarka uu mid keliyi ka xigo koonaha ayaa ah lambar 8. (Dib u eeg sawirkii la socday xadadkii shalay)

Hal-xidhaalaha maanta:

9. Sawirka koobabka ah marka aad eegto; waa Lix koob oo saddexda midig xidhaa ay madhan yihiin, saddexda bidix xigaana ay buuxaan. Waxaa lagaa rabaa in aad koob keliya waxa ku jira ku shubto koob kale, kadibna ay soo baxdo; koob buuxa, koob madhan, koob buuxa koob madhan oo sidaas isugu xig-xiga. Halka imika saddex kastaa dhinac isu raacsan yihiin.

9. Sawirkan waxaa ka muuqda midhadh (Qoryo) Kabriid oo yaalla qaab qurux badan balse aan macno kale samaynayn.

Waxaa lagaa rabaa in Lix uun ka mid ah qoryahan aad tuurto. Kadibna adiga oo aan wax kale dhaqaajin ama beddelin ay qoryahani sameeyaan muuqaalka TEN oo ah ereyga Afingiriisigu u yaqaanno tirada Toban (10)