Maskaxda Oo La Ogaaday In Xilliga Hurdada Ay Waxyaabo Badan Baran Karto Ama Xafidi Karto

Published on Oct 11 2017 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Waxaa muddooyinkii u dambeeyeyba goleyaasha cilmiga lagu gorfeeyo ku soo noqnoqonayey doodda ay saynisyahannada qaar qabaan ee ah suurtogalnimada in maskaxda aadamhu xilliga hurdada ay hesho xogo iyo in ay xafiddo. Waxaa garab socday daraasado ay ka soo baxayso natiijo sheegaysa in akhriska ama naqtiinka marka la sii seexanayo la sameeyaa in uu ka faa’ido badan yahay waqtiyada kale oo dhan, sababta oo ah maskaxda ayaa waqtigaas si fiican u xafidi karta macluumaadka ay heshay.

Degelka Internet ka ee I believe in Science oo ka faallooda arrimaha caafimaadka ayaa warbixin uu dhowaan qoray ku sheegay in qofka oo hurda ay maskaxdu awood u leedahay in ay arrimaha qaar barato ama ugu yaraan wax ka fahanto, in kasta oo waxyaabahaas ay maskaxdu hurdada ku baran kartaa aad u kooban yihiin. Warbixin ay arrintan ka qortay shabakadda wararka ee Alcarabiya oo Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu sheegay qaar ka mid ah arrimahaas:

Barashada ereyada qalaad:

Saynisyahanno dhowaan tijaabo arrintan la xidhiidha sameeyey ayaa dad ku hadla afka Jarmalka waxa ay ka dalbadeen in ay bartaan afka Holaand, xilli ay hurdo isu diyaarinayeen ayaa dadkan la baray ereyo afka Holaand ah, kadibna waxaa loo qaybiyey laba kooxood waxa aana loo fasaxay in ay iska seexdaan. Markay seexdeen ayaa koox ahaan iyaga oo aan sii ogeyn waxaa agtooda laga shiday cod ku celcelinaya qaar ka mid ah ereyadii la baray, halka kooxda kale aan waxba loo shidin. Muddo kadib ayaa labadan kooxood qof qof looga qaaday tijaabo la xidhiidha barashadooda ereyadii afka Holaand ahaa ee hore loogu dhigay waxa aana soo baxday in kooxdii hurdada lagu dhegeysiiyey ereyadani ay si fiican u qaybeen una garteen ereyadii halka kooxdii kale waxba ka xasuusan weyday.

Intaas laguma deyn ee mar kale waxa ay saynisyahannadu tijaabo ahaan isu barbar dhigeen dad soo jeeda oo hawlo kale ku mashquulsan iyo dad hurda, tusaale ahaan dad jimicsi socod ah ku jira yaa loo shiday cod lagu barayo ereyo af shisheeye ah, kuwo kale oo hurdana waa loo shiday isla ereyadii, waxa aana soo baxday in kuwii hurday markii ay soo tooseen ay si fiican u garteen ereyadii hurdada loogu sheegay, halka kuwii soo jeeday ee mashquulsanaa ay xasuusan kari waayeen.

Xirfadaha muusikada

Cilmibaadhis kale ayaa ay saynisyahannadu koox dad ah waxa ay ku tababareen sida laxanka loogu garaaco giitaarka, kadib dhammaan dadkii waxaa loo fasaxay in ay seexdaan iyaga oo aan ogeyn hurdada inta ay ku jiraan waxa dhici doona, markii ay hurdadii dhammaysteen ayaana mar kale mid kasta laga qaado imtixaan lagu ogaanayo fahamkiisa tababarkii tumista giitaarka, in kasta oo ay dadku dhammaantood si fiican uga gudbeen imtixaankii arrinta xiisaha yeelatay waxa ay noqotay in qayb ka mid ah oo markii ay seexdeen iyaga oo aan dareensanayn giitaarka laga ag garaacay ay si aad ah uga xariifsanaadeen kuwii la baray balse xilligii hurdada aan loo tumin.

Baadidoonka

Cilmibaadhis la sameeyey sannadkii 2013 ayaa ay saynisyahannadu ay soo ururiyeen 60 ruux oo qaangaadh ah, dhammaantoodna xaaladdooda caafimaad fiican tahay. Kadibna kombiyuutarro ayaa loo dhiibay waxa aana mid kasta laga codsaday in uu fayl ama sawir iwm. uu dhigo meel uun shaashadda ka mid ah, markii qof kastaa uu doortay halka uu faylkaas dhigayo waxaa loo shiday muusig gaar danan gaar ah leh. Markaa kadib ayaa dadkii dhammaan la seexiyey, laakiin markii hore si caadiya ayaa ay u seexdeen, iyada oo aan wax codad ah lagu shidin. Mar dambe ayaa ay haddana seexdeen, laakiin markan dambe waxaa loo shiday muusiko ah kii ay maqleen markii ay wax dul dhigayeen shaashadda kombiyuutarka.

Natiijada soo baxday waxa ay noqotay in dadkan markii laga dalbaday in qof kastaa uu toos u abbaaro halkii uu wax dhigay ay dhammaantood maskaxdoodu waxoogaa ku jaahwareertay, laakiin iyada oo ay sidaas tahay waxaa muuqatay in kuwa codkii loo shiday markii ay hurdeen ay ka hor xasuusteen ama ugu yaraan dhaammeen kuwa kale.

Waxaa saynisyahannada u soo baxday in marka qofku uu shay meel dhigayo haddii uu cod ama dhawaq gaar ah maqlo, kadibna isaga oo hurda isla dhawaqii laga ag shido, in si dhaqso ah oo fudud u xasuusan karo shaygaas halka uu dhigay mar kasta oo dambe oo uu codkaas ama dhawaqaas maqlo.

Xusuusashada xusuuso gaar ah

Waxa ay saynisyahannadu aaminsanyihiin in maskaxdeennu ay isticmaasho nidaam-hawleed oo ku dhisan ishaarooyin gaar ah oo ay ku kala soocdo xusuusaha kuwooda muhiimka ah iyo kuwooda aan sidaas u sii ridnayn. Sidaa awgeed xusuusaha ay marka hore maskaxdu raacisdo ishaarada ah in ay muhiim yihiin, waxaa markaba loo dira maskaxda qaybteeda xusuusta fog, halka waxyaabaha ay maskaxdu marka hore u aragto in aanay muhiim ahayn, sidaa awgeedna aanay ishaarada ‘Muhiimadda’ raacin, ay dhacdo in maskaxdu meel soke ku hayso oo mar uu qofku shay kale xafido ay si sahal ah kii hore ugu dul masaxdo, sidaasna ay xusuustaasi kaga baxdo maskaxda.

Waxa ay imika saynisyahannadu aamineen in uu jiri karo hab nidaamkaas xusuuseed ee maskaxda oo isagu is dira, loogu dhex geli karo, oo tusaale ahaan, waxyaabaha qaar maskaxdu u arki lahayd wax aan sii ridnayn loogu tusayo in ay muhiimad weyn leeyihiin si aanay u illaawin.

Cilmibaadhis cusub ayaa ay saynisyahannadu ku ogaadeen in qofku haddii marka uu wax xafido ee uu seexdo loo shido laxanka  ama dhawaq leh qaab-dhaca akhriska waxa uu xafidayaa leeyahay, in maskaxdu ay si fiican shaygaas u qabato, xitaa haddii aanu muhiimad sii ridan lahayn.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!