Mashruuca Maalgelinta Dekedda Berbera, Ma Sida Kii Sahaminta  Shidaalka, Mise Mashruuca Banka Qoolcaday Ee Lagaga Guulaystay Ma-Gafayaasha Qore: Abdillahi .A. Omar (Wayab) 

0
571

Gacmo shisheeye oo had iyo goor duullaan ku ah jiritaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, mar walbana innoogu dhex jira si dadban, si uu dhexdeena uga fushado danihiisa iyo masaalixdiisa   siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan, ayaa waxa uu inoo soo dhexmaraa qaar innaga mida oo sheyddaan meel xun uun ka tusay inay wax ka doonaan, kuwaas oo ah inta uu cadwgeenu usoo dhiibo daramallada, durbaannada iyo  caroogyada belaayo afuufka  oo ay dabadeedna hadba gees kala maraan  dadweynaha sidii ay jin ka saarayaan oo kale.

weere

Haddaba aan isweydiinee waa goorma waqtiga la hawgeliyo inta qaatan ee ka daman danaha iyo sharafta Ummaddooda, una darban dabin u-qoolka wax kasta oo ku lug leh dhinacyada horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ee ay hoggaanka  Dawladdeenu u  heenseysato ka dhabeynta  fulintiisa, si aan u hiigsano halka yoolkeenu yahay oo ah, in Jamhuuriyadda Somaliland maalin maalmaha ka mida uu Calankeenu uga dhex babbado Callamada dalalka kale ee dunida ee laga dhex qotomiyey  Xarunta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Waa markaa waqtiga ay inta qaatani u garaacaan bulshadeena durbaano jin oo u khaas ah Naar-afuufyada gudaheena, waxayna isku dayaan inay sameeyaan sifo kasta oo ay ku waxyeelayn karaan horumarkaasi, xataa hadduu dhiigga carruurtoodu ku daadanayo. Xaqiiqo ahaan  leeyahay[ KA DARRAN MAGAFAYAASHA.] 

Ma doonayo inaan idin jahawareeriyo sida kuwa sawaxanka bilaa-reenka iyo shaagag been qiijinta iyo shuguxshuguxda idinla dhex qaada, iyagoo idiin sawiraya hummaagyo aanay waxba ka jirin, balse waxan idin soo hordhigayaa kaliya Mashruucii ugu dembeeyey ee ballaadhnaa ee inta iga d’a weyn iyo inta ila eyniga iyo inta kale ee igu sii xigtaba ayuu mashruucaa aynu gacmaheena iyo afkeena ku naafaynay u ahaa muddo nus qarni in ka badan rajada kowaad,nasiib-darrose cadawgeena ayaa indhaheena oo shan ah daaqadda uga tuuray sida dhib yar, iyadoo burburintiisa innaga dhexdeena loo adeegsaday.  Mashruucaas oo ah kii Sahaminta keydka shidaal ee dhex-ceegaaga dalkeenana sidii wax looga ogaan lahaa xaddigiisa, ayaa la inoo soo dhexmaraoo loo adeegsaday wadar innaga mid ah oo ah kuwa aan xagga sare kusoo tilmaamay.

Haddaan soo koobo oo aan soo qaato dacaayadihii beenta ahaa ee lagu laalay Mashruucii Sahaminta Shidaalka ee JSL ee uu cadwgu usoo dhiibay dar innaga mida oo runtii ah boogo aynu leenahay oo ka mida dariiqyada cadawgeenu inoo soo maro, balse u baahan in degdeg aan u dabiibno inta qabta, ayaa waxa ay ahayd oo lala dhex qaaday dadweynihii degannaa jiidihii Sahaminta Shidaalka loo qorsheeyey, in waxa la wadaa aanay ahayn shidaal baadhis iyo wax dhaw toona, haseyeeshee qorshaha gaallada lacagta looga shubtay tahay in dhulkan iska bannaan inta miinooyin iyo waxyaabo kale oo baas oo aynaan garanayn lagu dalooliyo, dabadeed goor aan habeen iyo maalin midna ahayn lagu aasayo suntii  hadhaaga Wershadaha Yurub iyo Mareykan, sidaana ay ku dad iyo duunyaba beelayaan, maadaama aan baadna dhulka kasoo bixi doonin, biyihii roobka ee nadiifta ahaana ciidda markay taabtaan ay iyana madoobaanayaan. Dacaayadahaa iyo kuwa kaloo ka duwan ayey ahaayeen waxyaabihii lagu laalay maalgelintii ugu horreysay ee aan nasiibkeena ku helnay, balse nasiib-darrada ku dembeeyey.

Kii ka sii horreeyey Mashruucan haddaan isna idiin yara dulmaro, waxa uu ahaa kii isgaadhsiinta Keybalka ee dhinaca Internet-ka  ee laga soo jiidayey xagga badda dalka Cummaan ee loogu talo galay Bariga Afrika, barta ugu habboon ee dhigista Keybalkaasina laysla gartay inuu khadkiisa saxda ee loo qorsheeyey in la dhigo uu yahay marin biyoodka badda ee Berbera. Waxa isna markiiba la saaray shaabbad ah in Dawladda Somaaliya tahay ta saxeexday arrintan Keybalkan, waxa sidaa Xukuumaddu u yeelaysaana tahay, in la sii fududeeyo dhabbihii dib u midawgii la eeday ee soddonka sanno innaga khasaariyey dad iyo duunyaba.

Shacbiga oo si aad iyo aad ah uga  dareen, had iyo jeerna il gaara oo foojigan ku haya   wax allaale wixii saansaan dib u mideyn am dib iskugu toltolis ee lagu xidhiidhiyo Somaliya, si degdeg ah uga  dareen celiya, ayaa isna aqlabiyaddiisii ku jawaabay [ DOONI MAYNO KEYBAL AWOODDIISA LEEDAHAY SOMAALIAYA] mashruucaas oo isna shaqo la’aanta aad u yarayn lahaa sidaa ayuu ku galbaday. Kii ka dembeeyey ee SahamintII Shidaalkana oo isna bilowgiiba dad  iyo gaadiid badanba meeleeyey aan isna soo xusnay sidii loo shirqoolay Mashruucaasi.Jawaabtii   HADDABA XUKUUMAD IYO DADWEYNOW MA DEKEDDA BERBERA EE AAN AWOODI WEYNAY INAAN MAALGELIN KU SAMAYNO RUBUC QARNIGII AAN MAALAYNAY, AYAAN MAANTANA TAARIIKH LA’AANTEEN UGA HORJOOGSANAA IN  MAALGELIN LA INNOOGU SAMEEYO, DABADEEDNA QEYRKEED KA REEBNAA OO AAN DADKEENANA BEENTA  AH [ DEKEDDII IMAARAADKA CARABTAA LA SIIYEY.] La yaabi maayo oo waa suurtagal, haseahaatee waxan dadweynaha sidaa laga dhaadhiciyey ee loogu sheekeeyey illaa shaqaalahaa la eryayaa u sheegayaa, in aanay SHIRKADDII TOTAL EE LAYNAGA DHAADHICIYEY IN LAGA IIBIYEY HAAMIHII OO LACAGTIINA XUKUUMADDU JEEBKA KU SHUBATAY  AANAY JIRIN HAAMO KEYD SHIDAAL OO AY INNAGA QAADATAY MARKAYNU ALBAABKA KA SAARANAY TOTAL.  WAAR MAXAA INNOO DIIDAY HAD IYO GOOR INAAN XUSUUSANO WIXII SHALAY TAAGNAA IYO WAXA MAANTA TAAGAN EE LA MIDKA AMA U DHAW.

Shalay Dekedda jibuuti oo iska eber ahayd shirkaddii gaadhsiisay horumarkii u horreeyey, waxay ahayd ISLA Shirkaddan DPWorld ee hadda Somaliland la gashay heshiiska tii ay wada galeen Jibuuti heshiiskan oo kale oo weliba oo inta lacagta kasoo xeroota Dekedda boqollayda Jibuuti helaysay ahayd mid ka hoosaysa ta aan ka helayno innagu hadda in ka badan 17% . Bal haddaba waa yaabe yaa ku yidhi ee ka dhaadhiciyey dadka reer Berbera in Dekeddii loo wareejinayo maamulkeeda iyo shaqaalaheediiba dadka kazoo jeeda Imaaraadka Carabta,maadaama qalabka la keenayo aanay shaqaalaha reer lahayn xirfaddeeda, sidoo kalena laga maamuli doono Dubay. Subxaanaka, waar walaalayaalow dadka ka daaya beenta iyo hagardaamooyinka aan dib u dhac mooyee wax kale lahayn. Tusaale kale oo u dhaw kan Dekedda Berbera, waa kii BANKA QOOLCADAY ee inta bulshadii halkaa degannayd looga hormaray Xukuumadda lagu sii shubtay dhegahooda iyo maskaxdoodaba, sheekooyin raqiis ah, sida Amiirrada Kuweyt ayaa laga iibsaday iyo waa laydinka rarayaa meesha aakhirka haddaad aqbashaan mashruuc beenaadyada la idiinla iman doono IWM. Aaway beentii la dhurayey ee ay magafayaashu ku shubayeen marka runtii la taabsiiyey shacbiga ee biyihii loo soo saaray ee bankii ku waraabsada oo wax ka beerta oo cabba la yidhi, ma dib ayey u hortageen dadka degaankaasi magafayaashii beenta ka iibinayey,.

Haddaba, Xukuumadda midbaan usoo jeedinayaa oo waa waajib Dastuuri ku ah, loogana fadhiyaa inay fuliso oo ah awood uu siiyey shacbigu oo ah tii sida xorta iyo xalaasha ah loogu doorto, taasoo ah inay iyadu mas’uul uga tahay oo xilsaaran tahay ilaalinta, iibinta iyo bixinta dhammaan goobaha Dawladda ee dhul leh,bad leh, berri leh iwm, cid ama beel sheegan kartaana aanay jirin. Heshiisyada ay Shirkado ama dawlado la soo gashaana sidooda u fulaan, kadib marka la waafajiyo qawaaniinta aan dhiganay.

 Arrinta Dekedda Berbera Xukuumaddu waxay caddaysay dhawr jeer inay heshiiska Dekedda ee ay la soo galeen Shirkadda DPWorld u gudbin doonaan golaha Wakiillada, sidoo kalena ay Axsaabta mucaaridku sheegeen in ay oggol yihiin in maalgelin shisheeye lagu sameeyo dekedda Berbera, mar hadday Xukuumadda daboolka ka qaaday inay waafajinayaa sharciga, isla markaana u gudbinayaan Golayaasha sharci dejinta.  Sidaa markay tahay, halkee uga bannaan oday dhaqameed ama beelaba, haddiise meel kasta iyo goob kastaba uu reer madaxa ku duubto, markaa dawladdii maxay maamulaysaa? Xukuumadda xadhkeedaha maamul ha gii-giijiso waxay u nuuqdaan kuwa dabac badani ka muuqdee.

Dadweynaha, waxan iyagana talo ahaan usoo jeedinayaa, in sida shucuubta kale ee dunida ku nool ama hareeraha innaga xiga oo kale aan noqono oo aan aamino hadba cidda aan u doorano hoggaanka dalka, waxa ay innoogu taliyaan, hadday markaa wax ka yara qalloocdaan aan u tilmaano oo aan iska dayno wixii aan hore ugu jabnay ee ahayd, in Madaxda aan doorano aan ka-daba qaaqlayno sidii Tukaha tan iyo 1960kii, isla markaana si qoor-qabad ah oo khasab ah aan ku marsiino siyaasad aan si qoto dheer loo darsain oo jar iska-xuurnimo iyo sidoo kale inaan haddana isla  berri ka maalina nidhaah sida ma moodayn oo aan Farta dhexda ka qaniino aan iyana kala dayno labadaa                                                   DHAMMAAD